Kenya: Dawada lagu xakameeyo Al-Shabaab waa dil

Image

NAIROBI, Kenya - Taliyaha booliska Gobolka Waqooyi Bari Kenya, Nicodemus Ndalana, ayaa amar ku bixiyey in isla goobta lagu qabto lagu dilo dhamaan xubnaha iyo shaqsiyaadka lagu tuhmayo ururka Al-Shabaab.

Ndalana ayaa wacad ku maray in hay'adaha amniga ay u adeegsan doonaan baabi'inta "argagixisada iyo kuwa looga shakiyo inay xiriir la leeyihiin kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya".

"Kuwa jooga aagani waa kuwa degaanka ah. Qofna kama imaan karo Kismaayo si uu ugu dhuumaaleysto halkan. Haddii ay dhacdo waa inuu jiraa qof kale tusaysa," ayuu yiri Ndalana. "Ka dowlad ahaan, uma naxariisan doonno cidna oo ay ku jiraan kuwa taageera al-Shabaab. Dawada lagu xakamaynayo al-Shabaab waa dil toogasho".

Wuxuu ku daray: "Waxaan qirayaaa shaqada wanaagsan ee ay qabteen ciidamada gaarka ah kuwaasoo oo si hagar la’aan ah uga shaqeynayaan sidii loo xaqiijin lahaa in Mandheera ay nabad noqoto".

Ndalama ayaa sidoo kale wuxuu ku booriyay siyaasiyiinta in ay la shaqeeyaan dowlada "si loo soo afjaro weerarada sanadlaha ah ee gobolka ka dhaca" ayna fuliso maleyshiyadda Al-Shabaab.

Tan iyo markii ciidamadda Kenya ay qeyb ka noqdeen howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM, Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan waxay ka fulisay gobolka waqooyi barri Kenya halkaasoo khasaaro ka dhasheen.

Xukuumadda Nairobi ayaa haatan waxay helaysaa taakulo kaga imaaneysa Mareykanka oo ciidamo si gaar ah u tababaran ku daabulay Wajeer si ay uga qeyb-qaataan ololaha lagula dagaalamayo kooxdan ku xiran Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM