Kenya: Haweeney cunugeeda ku tuurtay badda oo xabsi la dhigay

Image
Ilaa hadda ma cadda dambiga lagu soo oogi doono haweenaydaasi - haddii ayba jiraan.

NAIROBI, Kenya - Booliska waddanka Kenya ayaa waxa ay xabsi u taxaabeen haweeney lagu eedeeyay inay cunugeeda oo siddeed bilood jir ah ku tuurtay badweynta Hindiya maalinkii Axada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in haweeneyda la wariyay in ay canuga yar ku tuurtay badweynta kadib markii ay kasoo raacday dooni yar xilli ay kusoo xiratay magaalo xeebeedka Mombasa.

Muuqaal laga soo duubay kooxo badbaadinaya cunuga yar ayaa ku baahay baraha bulshada, taasoo keentay in dad badan oo Kenyan ah ay caroodeen haweeneydaasi oo ay ka naxeen badbaadada ilmaha yar.

"[Iyada] waxaa loola cararay gargaarka degdegga ah ee Xarunta Laanqeyrta Cas, waxaana lagu daweeyay lagana saaray xaalad cadaalad ah, hooyadeedna waxaa loo qaaday saldhigga booliiska si su'aalo loo weydiiyo," ayuu wariyay K24 Tv oo si gaar ah loo leeyahay.

Hay'adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa mar sii horreysay waxa ay daaha ka rogtay in cunuga yar uu ku jiro xarunteeda badbaadinta. Ilaa hadda ma cadda dambiga lagu soo oogi doono haweenaydaasi haddii ay jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM