Kenya iyo Shiinaha oo ka shiray xasiloonida Geeska Afrika

Image
Uhuru Kenyatta iyo Xue Bing ayaa wadahadalo "mirodhan ah ku yeeshay Nairobi".

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa fiidnimadii Isniinta wadahadalo la yeeshay ergayga gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Ambassador Xue Bing oo ku booqday Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi.

Danjire Xue ayaa sheegay in Shiinuhu uu rajeynayo in uu si dhow ula shaqeeyo Kenya si loo xasiliyo gobolka, isaga oo intaa ku daray in dalkiisa uu la yimid hindise ku saabsan in la qabto shir ay isugu imaanayaan dhammaan dalalka gobolka si looga wada hadlo nabadda iyo horumarka.

Madaxweyne Kenyatta ayaa u xaqiijiyay ergeyga gaarka ah ee Shiinaha, oo uu wehliyo safiirka Shiinaha u fadhiya Kenya Zhou Pingjian, in Kenya ay diyaar u tahay in ay kala shaqeyso Shiinaha iyo dhinacyada kale ee ay khuseyso taageeradda nabadda iyo barwaaqadda gobolka.

"Waxaad ku kalsoonaan kartaan inaan nahay xulafada la isku halayn karo iyo saaxiibada dadaalka lagu nabadeynayo, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka. Waxaan tan u sameyneynaa sababtoo ah waxaan ognahay gobolka Geeska Afrika oo nabad ah oo xasiloon inay la macno tahay Kenya nabad iyo xasillooni," ayuu yiri madaxweyne Kenyatta.

Madaxweynaha iyo ergayga gaarka ah ee Shiinaha ayaa isla gartay baahida loo qabo in xal laga gaaro dhibaatooyinka saameeya gobolka Geeska Afrika.

Waxay ugu baaqeen dhinacyada kala duwan ee ku lugta leh iskahorimaadyada Itoobiya, Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya inay qaataan wadahadalka oo ah habka ugu wanaagsan ee lagu xallin karo khilaafaadkooda.

Madaxweyne Kenyatta iyo danjire Xue ayaa sidoo kale bogaadiyay xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Shiinaha kaas oo keenay in labada dal ay xoojiyaan iskaashigooda heer laba geesood ah iyo mid dhinacyo badan leh si ay uga faa’ideystaan wadaagga ah muwaadiniintooda.

Danjire Xue, oo bishii Janaayo ee sanadkan loo magacaabay ergayga gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, ayaa madaxweyne Kenyatta uga warbixiyay aragtidiisa ku aaddan gobolka.

Sidoo kale waxaa kulanka goob joog ka ahaa Madaxa Adeegga Dadweynaha Dr. Joseph Kinyua iyo Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Amb. Raychelle Omamo.

Ergayga gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika Ambassador Xue Bing, oo dhawaan gobolka soo gaaray ayaa Muqdisho kula shiray madaxweynaha xilka ka siidagaya ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ka hor inta aysan agab ciidan ku wareejin wasaaradda difaaca Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM

Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur…

  • Afrika

    22-04-2025

  • 07:56PM