Kenya oo burburisay saldhig AS qaraxyada ku diyaarin jirtay
NAIROBI, Kenya - Hay’adaha kala duwan ee amniga oo ay hogaaminayaan ciidamada Difaaca Kenya [KDF] ayaa burburiyay saldhig looga shakisan yahay inay Al-Shabaab ku sameyn jireen Walxaha Qarxa oo ku yaalla Waqooyi Bari Kenya, sida ay sheegeen Saraakiisha.
Iyaga oo ka duulaya xogta dadka deegaanka, ciidamada ammaanka ee hay’adaha kala duwan ayaa Talaadadii weerar ku qaaday saldhiga ku teedsan wadada Harbole-Faafi ee ismaamulka Garissa, ka hor inta aysan gabi ahaanba burburin. Saldhigga ayaa loo adeegsaday isku xirka walxaha qarxa oo ay Al-Shabaab u adeegsato guud ahaan gobolka oomanaha ah.
Ciidamada ayaa soo bandhigay qalabka lagu sameeyo walxaha qarxa oo inta badan loo adeegsado weerarada lagu bartilmaameedsado ciidamada ammaanka iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka geysanayaan Waqooyi Bari Kenya iyo Lamu, taasoo keentay in gurmad deg deg ah ay bixiyaan kooxaha ciidamada Kenya.
Kooxda ayaa dilay 4 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab halka qaarkood ay baxsadeen iyagoo dhaawac ah oo ay ka soo furteen agabka wax lagu sameeyo, rasaas iyo dawooyin, sida sawirada la soo bandhigay ay muujinayaan. Maleeshiyada ayaa dawooyin u adeegsada dadka dhaawacoodu daran yahay ee ay la dagaalamayaan ciidamada amaanka.
Al-Shabaab ayaa weeraro fuleynimo ah ku bartilmaameedsada degmooyinka Mandheera, Wajeer, Garissa iyo Lamu balse ciidamada KDF ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay xoojiyey ilaalinta xuduudaha Kenya iyo Soomaaliya. Lamu, kooxaha ammaanka ayaa loo diray si ay uga daba tagaan mintidiinta ku sugan Kaymaha Boni ee cufan.
Waxaa ku teedsan kaynta Boni halkaas oo KDF iyo kooxaha ammaanka ee hay'adaha kala duwan ay la kulmeen khasaare aad u weyn toddobaadyadii la soo dhaafay, oo uu ku jiro qarixii todobaadkii hore ka dhacay kaas oo lala beegsaday shaqaale KDF ah oo shaqada ku jiray. Ugu yaraan 14 ka tirsan ciidamada KDF ayaa si xun u dhaawacmay kadib markii qarax miino lala beegsaday gaari ay saarnaayeen, sida ay ciidamadu sheegeen.
Arbacadii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Kithure Kindiki ayaa booqasho ku tagay Lamu, halkaasi oo uu kulamo kala duwan kula qaatay laamaha ammaanka ee ka qayb qaadanaya hawlgalada ka dhanka ah Al Shabaab. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa cadaadis kala kulmaya gudaha Soomaaliya, taasoo ku qasabtay in tiro ka mid ah ay isku dayaan in ay saldhig u noqdaan Kenya.
GAROWE ONLINE