Kenya oo hanjabaad kasoo saartey dacwadda badda

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa ashtako ka dhan ah dacwadda badda waxay u gudbineysaa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, sidda uu wariyey wargeyska The Standard oo soo xigtay garsoore magaciisa ka gaabsaday.

Garsooraha oo sheegay in Nairobi ay qorshahaas diyaarisay kahor inta aysan bilaaban dhageysiga ugu dambeeya ee gal-dacwadeedka ayaa shaaca ka dhigay in ay Golaha Ammaanka ka dalbadan doonan faragelinta kiiskan xasaasiga ah.

"Si loo helo go’aan daahfuran oo dhexdhexaad ah, dowladda Kenya waxay go’aansatay in ay kiiska horgeyso Golaha Ammaanka oo ay xubin ka tahay. ICJ waxay lumisay kalsoonida shacabka Kenya," ayuu raaciyey garsoorahaas.


Dhawaqan ayaa kusoo hagaagaya xilli Kenya ay ka baaqsatay ka qeybgalka dhageysiga kiiskan oo Isniintii shalay ka bilowday magaaladda The Hague.

Nairobi ayaa go’aankaas waxay u cuskatay in dhaqaalaheeda uu saameeyay Coronavirus, in qareenadeeda aysan helin waqti ay isku diyaariyaan iyo in la siiyo 30-daqiiqo kahor inta aysan Soomaaliya ka hadlin furitaanka dhageysiga.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa ku gacanseyrtay dhamaan qodobadaas, waxaana ay sheegtay in ay horey u sii waddeyso dhageysiga.

Soomaaliya oo qareenadeeda ay shalay ka hadleen fadhiga furitaanka ayaa rajeyneysa in go’aanka kulankan kadib soo bixi doona uu noqon doono "mid u jaranjeera dhankeeda isla markaana ka farxin doona dadka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM