Qaabka loosoo furanayo ajaaniib lagu haysto Soomaaliya oo la sharaxay

Image

NAIROBI, Kenya – Lix bilood ayaa waxay kasoo wareegatay markii dakhaatiir u dhashay waddanka Cuba ay Al-Shabaab kasoo afduubatay gobolka Mandera.

Mas'uuliyiinta gobolka Waqooyi Bari ayaa xaqiijiyey in Landy Rodríguez iyo Assel Herrera lagu haysto gobolada Jubooyinka ee Soomaaliya gaar ahaan xadka Kenya.

Dowladdaha Soomaaliya, Kenya iyo Cuba ayaa horey waxay uga wada hadleen soo furashadda raggan oo howlo caafimaad u joogay ismaamulkaas.

Afhayeenka dowladda Kenya, Cyrus Oguna, ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in xubnahan ay ku howlan yihiin sidii ay u soo badbaadin lahaayeen.

"Way nool yihiin, waan hubnaa midaas," ayuu yiri. "Xaaladooda caafimaad waa mid aad u sareysa," ayuu hadalkiisu ku daray.

Al-Shabaab ayaa horey u dalbatay lacag madax furasho ah, balse xukuumadda Nairobi waxay ku gacan-sayrtay dalabkaas.

"Waxa kaliya ee haatan ay sugayaan waa goorta lasoo deyn doono," ayuu raaciyay. "Qorshahaas ayaana isku daba rideyndaa".

Laheysteyaashan ayaa noqonaya kooxdii labaad oo sanadkan 2019 ay Al-Shabaab kasoo qafaalato Kenya, maadaama ay ka horeysay gabar Talyaani ah.

"Waxaan dabagaleynaa xiriirka ugu wanaagsan ee dhakhaatiirta, kadibna howlgalkeena soo furashada ayaa bilaaban doono," ayuu xusay.

Odayaal dhaqameedyo ka baxay Mandera ayaa soo arkay howlwadeenada caafimaad, waxayse ku fashilmeen in ay soo daayaan.

"Waxaan si feejigan u xaqiijineynaa xogo sirdoon, sida ugu dhaqsiyaha badana waan fulin doonaa howlgalka, kuna dhawaaqeynaa," ayuu ku daray.

Mar la waydiiyey goorta ay shaacin doono howlgalka iyo soo badbaadinta ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay "in uu go’aamin doonto xaaladda".

"Ma soo bandhigi karo iyaga, waxay ku jirnaan doontaa xaaladda howlgalka," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay afhayeenka oo rajo wanaagsan muujiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM