Kenya oo ka jawaabtay dhawaqa kasoo yeeray Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Dowlada Kenya ayaa ka jawaabtay dhawaqa kasoo yeeray dhigeeda Soomaaliya lana xiriiray soo celinta xiriirka diblumaasi ee labada waddan iyo isu-furida safaaradaha.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Kenya ayaa lagu soo dhaweeyay go'aankan oo xalay ay shaacisay dhigeeda xukuumada fadhigeedu yahay Muqdisho.

Nairobi ayaa hoosta ka xariiqdey in ay si weyn ugu rajo weyn tahay in ay meesha ka baxaan madmadow soo kala dhex-galay wadamadan deriska ah kuwaas oo wajahaya khatarta Al-Shabaab.

"Waxaan ka shaqeynaynayaa sidii aan dib ugu furi lahayn safaaradeena Muqdisho," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah bayaankan uu arkay warqabadka warsidaha Garowe Online ee Nairobi.

Muqdisho iyo Nairobi ayaa madaxa iskula jiray tan iyo markii uu xafiiska yimid Farmaajo kaasoo lagu eedeeyay in uu shaqsiyadeeyay siyaasadda arrimaha dibada kana tagay danaha qaranka.

Cilaaqaadka ayaa gaarey meeshii ugu hooseysay ka gedaal markii maamulka Farmaajo uu sanadkii hore 2020 uu jaray xiriirka isla markaana ku dhawaaqay go'aano hal dhinac ahaa.

Kadib faragelin ay sameysay dowladda Qadar, labada dowladood ayaa sameeyey isu-soo-dhowaanshiyo aan buurneyn wallow aan wali la dhayin dhamaan boogihii sababay in xiisaddu qaraxdo.

Hoos ka akhriso qoraalka dowlada Kenya

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM