Kenya oo musaafurisay "maalgashade" Turkish ah

Image

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa waxay masaafurisay maal-gashade Turki ah, kaasoo qabsadey cinwaannada hore ee warbaahinta toddobaadkii la soo dhaafay sababo la xiriira cilaaqaadka uu la leeyahay madaxweyne ku xigeenka William Ruto, waxayna Nairobi ku eedeysay inuu xiriir la leeyahay argagixisada".

Harun Aydinwas ayaa la sheegay in la tarxiilay habeenimadii Axadda, sida uu xaqiijiyay qareenkiisa Axmednasir Cabdullaahi, in kasta oo hore loo wariyey in subaxnimada Isniinta la horkeeni doono maxkamadda si uu uga jawaabo eedeymaha loo soo jeediyay.

Aydin ayaa la xiray Jimcihii markii uu ka yimid Uganda, halkaas oo lagu waramay in lagu waday inuu ka sameeyo maalgashi. Si lama filaan ah, illo wareedyo ayaa sheegaya in madaxweyne ku -xigeenka Kenya William Ruto lagu waday inuu ka qeybgalo guddiyada maalgelinta.

Balse, mas'uuliyiinta Nairobi ayaa ka horjoogsaday Dr Ruto, oo ah mas'uulka labaad ee ugu awooda Kenya inuu u safro Uganda, sababo ku aadan in uusan waddan "waraaqaha socdaalka". Wareysi uu bixiyey ayuu Ruto  ku eedeeyay xafiisyada dowladda inay "ka niyad -jabinayaan baratanka siyaasadeed ee soo socda 2020".

Ruto ayaa meesha ka saaray sheegashooyinka ah in Aydin uu u xiran yahay ururada argagaxisada, isagoo raaciyay in dowladdu ay ka go'an tahay inay "i dhibaateyso sabab la'aan".

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter -ka, Dr Ruto ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda in ay dambiileyaal ka dhigayso maalgashadayaasha sababo “siyaasadeed”.

Nairobi weli ma xaqiijin masaafurinta lasoo wariyey laakiin inta badan siyaasiyiinta xulufada la ah Dr Ruto ayaa xaqiijiyey, halka ay ku eedeeyeen gobolka “kibir”. Aydin wuxuu marar badan tagay Kenya laakiin arrimaha argagaxisada ayaan hore loo soo qaadin.

Gudaha Kenya, madaxweyne ku-xigeenku waxay is-khilaafsan yihiin Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaga oo isku haya tartanka madaxtinimadda ee sanadka 2022. Labadooda, oo mar ahaan jiray saaxiibo isku dhow, ayaa marar dhif ah wadaaga aaladaha, iyadoo Uhuru uu Ruto ku eedeeyay "kharbudaad dhanka gudaha ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay in ay sii wadi doonto la dagaalanka kooxda AS

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya ayaa ku adkeystay in ay doorkooda difaacan doonan.

  • Afrika

    16-11-2024

  • 07:36AM

Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal kasoo yeeray dowladda Suudaan

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa muujisay "sida ay uga xun tahay" hadalkaas.

  • Afrika

    15-11-2024

  • 07:45AM