Kenya oo qaadacdey xukunka ICJ ee dacwadda badda
NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa shaaca ka dhigay in go'aanka maxkamadda cadliga dunida ICJ ee dacwadda badda uu sii xumaynayo xiriirka Muqdisho iyo Nairobi.
"Waxaan raadinaynaa jawi aan xal uga gaari karno annaga iyo Soomaalidu arrinta Badda," ayuu yiri Kenyatta oo soo saarey bayaan ku qoran luuqad adag kadib xukunka xeerbgeetada.
Kenyatta ayaa si aan toos ahayn wuxuu wacad ugu maray in uu qaadi doono talaabooyin uu ku majaxaabinayo go'aanka ICJ kaasoo dowladaha ay ku qasban yihiin in ay u hogaansamaan.
"Ma doonayo inaan ka tago dhaarteydii qaranka; waxaana sameyn doonaa wax kasta oo aan awoodo, ka taliyaha Ciidamada Qaranka ahaan, si aan u ilaaliyo dhulka Jamhuuriyadda Kenya," ayuu xusay.
Sida laga soo xigtey war-saxaafadeedkan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, go'aanka ICJ waxaa ka dhalanaya su'aal aas-aasi ah oo ku saabsan oggolaanshaha dawladaha.
"Bilowgii, Kenya waxay rabtaa inay muujiso inay diidday gebi ahaanba mana aqoonsana natiijada go’aanka. Go’aanku wuxuu ka kooban yahay sii jiritaanka dacwadda ICJ waxayna keenaysaa su’aal aasaasi ah oo ku saabsan ixtiraamka madaxbannaanida iyo oggolaanshaha Dawladaha ee hannaanka garsoorka caalamiga ah," ayuu ku daray Kenyatta.
Qoraalka oo warbaahinta loo diray ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay: "Maxkamadaha caalamiga ahi waxay awood u leeyihiin oo kaliya inta ay le’eg tahay oggolaanshaha Dawladdu".
Maxkamadda ICJ ayaa xukmisay in Soomaaliya ay leedahay xuduuda badda ee ay muranka gelisay Kenya. ICJ waxay sidoo kale faafisay khariirad ay ku muujineyso sidda ay noqoneyso sohdinta.
GAROWE ONLINE