Kenya oo u baroor-diiqeysa saraakiil ay Al-Shabaab ku dishay qarax

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa Axada maanta ah ku dhawaaqay in dalkiisa uu u baroor-diiqayo 11 sarkaal oo ku dhintay qarax ay Al-Shabaab u dhigtay Daadab oo ku dhow sohdinta Soomaaliya.

Ciidamada oo kamid ahaa bileyska sida gaarka ah u tababaran oo miinada lagula eegtay inta u dhaxeysa tuulooyinka Liboi iyo Damajale ayaa waday howlgal roondo ah kaasoo ka dhan ah xoogaga gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

Kenyatta ayaa wuxuu wacad ku maray in lasoo qaban doono "gacan ku dhiigleyaasha" kuwaasi oo uu xusay in la marsiin doono sharciga lagana qaadi doono talaabadda midda ugu adag, sidda uu hadalka u dhigay.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan ehelada ay ka baxeen geesiyeyaasheena, waxaana u sheegayaa in dowladdu taageeri doonto in lagu guda jiro baroor-diiqda," ayuu hadalkiisu ku daray.

Al-Shabaab ayaa sanadihii u dambeeyay weeraro dhimasho dhaliya ka fulineysay gobolka hodanka ku ah Saliida ee Kenya, halkaas oo ay ku beegsaneyso ciidamadda amniga iyo shaqaalaha dowladda ee aan hubeysneyd.

"Shacabka iyo dowladda Kenya marnaba kama waaban doonan in ay iska dhiciyaan ficilada guracan ee argagixisadda," ayuu hadalkiisu ku daray, sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxtooyadda.

Bishii June ee sanadkan 2019 ayay ahayd markii ugu yaraan afar askari ayaa ku dhimatay markii gaari ay la socdeen ay la kacday Miino iyagga oo maraya tuuladda Kulan oo ku dhow sohdinta Soomaaliya iyo Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM