Kenya oo "xirtey" xadka hawada ee Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa waxay warqad u dirtay dhamaan howlgalada diblumaasiyadeed ee fadhigoodu yahay magaala madaxda waddankan dhaca Geeska iyo bariga qaaradda Afrika ee Nairobi.

Warqadan oo la qoray 27-dii bishan May isla markaana warsidaha Garowe Online uu arkay ayaa muujineysa in ay la xiriirto xiisada ka dhex-aloolsan xukuumaddaha Muqdisho iyo Nairobi.

Kenya ayaa ku wargelisay howlgaladda diblumaasiyadeed in ay "xiran tahay hawada Soomaaliya-Kenya". Nairobi waxay xustey in talaabadan la xiriirto xiriirka sii xumaanaya ee kawada dhaxeeya.

"Duulimaadyadda arrimaha bini'aadanimadda waa in lasoo gudbiyaa liiska badeecadaha loo dhoofinayo Soomaaliya kahor inta aan ogolaanshiyaha la siin," ayaa lagu yiri qoraalka oo ay qortey Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, oo intaas ku dartay in haddii taas dhici waydo ay suurtagal tahay in gabi ahaanba la mamnuuco duulimaadka samafalka.

Muqdisho iyo Nairobi ayaa isku haya arrimo ay kamid tahay Jaadka iyo dacwad badeed hortaala Maxkamada Cadaalada Aduunka ee ICJ oo la filayo in go'aan kama dambeys ah ay kasoo saarto kiiskan bilaha soo aadan.

Go'aanka cusub ee Nairobi ayaa la macno ah in uu miradhali waayey dedaaladii ay garwadeenka ka ahayd Qadar kaasoo xiisada biyo-qabow ku shubay markii Muqdisho shaacisay in ay soo celisay xiriirka.

Soomaaliya ayaa horaantii sanadkan 2021 waxay iclaamisay in ay jartay xiriirka Kenya sababo ku aadan in Nairobi ay faragelin toos ah ku hayso arrimaha gudaha ee Muqdisho, wallow ay iska fogeysay eedeyntaas.

Hoos ka akhriso qoraalka Nairobi

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM