Kenya: TikTokers loo xiray prank ay ku hor-sameeyeen saldhig boolis

Image
Muuqaalka ay jileen ayaa ku saabsanaa fal dhac ah kaas oo si weyn loogu faafiyay internet-ka.

NAIROBI, Kenya - Afar qof oo TikTokers ah ayaa xabsi loo dhigay xiray muuqaal ay ka duubeen fal dhac ah oo ka dhacay afaafka hore ee saldhig boolis oo ku yaalla dhulka xeebta ee Kenya.

Shaqsiyaadkan ayaa lagu eedeeyay inay faafiyeen macluumaad been abuur ah, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha oo soo xigatay dukumiintiyo kasoo baxay Maxkamadda.

Eedeysaneyaashan oo uu ku jiro wiil 17 jir ah ayaa Arbacadii lagu xiray ismaamulka Kilifi ka dib markii muuqaalku uu ku faafay baraha bulshada isla markaana aad looga falceliyay.

Muuqaalka lasoo bandhigay ayaa muujinaya nin ka soo baxay Saldhiga Booliska ee Kilifi, waxaana boorsadiisa ka dhacay laba qof oo kale oo watay Mooto ay ku sugayeen, taasi oo loo yaqaano boda boda.

Booliisku waxay sheegeen in markii dambe TikTokers la xiray ka dib markii lagu aqoonsaday kamarada CCTV ee saldhigga. War qoraal ah ayay ku caddeeyeen in sharciga la marsiin doono eedeysanayaasha.

Tuhmanayaasha ayaa soo galiyay muuqaalka TikTok iyaga oo wata ciwaan ay ku qoran yihiin “tuugada bannaanka saldhiga booliska ee Kilifi”, taasoo ay ogaayeen in ay been abuur tahay.

Afarta qof ayaa qirtay in aysan wax dambi ah gelin waxaana la siiyay dammaanad dhan $1,500 (£1,200), shabakadda wararka ee Nation ayaa sheegtay. Kiiska ayaa la dhageysan doonaa 30ka Luulyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika oo Loo Magacaabay Taliye Cusub

Qaaradda Afrika waa mid leh dhaqaale si degdeg ah u kobcaya iyo bulsho da’yar ah oo rajo u ah dimoqraadiyadda.

  • Afrika

    16-08-2025

  • 09:02AM