Khasaaraha dhimashada dagaalka Suudaan oo dhaafay 200 ruux

Image
Labada qolo ee ku hardamaysa dalka ayaa midba kan kale ku eedeeyay in uu ku xad gudbay xuquuqda bini'aadamka.

KHARTUUM, Suudaan - In ka badan 200 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay colaada dalka Suudaan tan iyo intii dagaaladu bilawdeen Sabtidii todobaadkan, sidda ay xaqiijiyeen ururka dhakhaatiirta waddankan.

Dhaawacyada rayidka ayaa kor u dhaafay kun qof iyada oo Qaramada Midoobay ay ku baaqday in loo furo marinada rayidka iyo dhaawacyada si loo badbaadiyo dadka aadka u nugul.

Labada qolo ee ku hardamaysa dalka ayaa midba kan kale ku eedeeyay in uu ku xad gudbay xuquuqda bini'aadamka iyo in uu dhib ka gaystay goobaha rayidka.

Dhinaca kale, Dowladda Jarmalka oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa ka baaqsatay daad-gureyn ay dalka Sudan uga soo samatabixin lahayd 150 muwaadiniinteeda ah.

DIblamaasiyiin ayaa ku jira dadkaan, sida uu ku waramay Wargeyska dalkaasi kasoo baxa ee lagu magacaabo Der Spiegel iyada oo aan la ogayn wakhtiga loo dib dhigay .

Hareeraha Garoonka diyaaradaha ee magaaladda caasimadda ah ee Khartuum ayaa waxaa ka socda dagaalo culus iyada oo uu magaaladana ka socdo barakac xoogan.

Sawirro ay baahisay warbaahinta Suudaan ayaa muujiyey dadwayne badan oo bas ku sugaya bariga magaalada Khartuum si ay uga qaxaan dagaalka u dhaxeeya milatariga iyo xoogaga aadka u hubeysan ee RSF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM