Khasaaro ka dhashay dagaal dhexmaray Soomaalida iyo Canfarta

Image

JIGJIGA, Soomaali State - Iska hor-imaad ayaa waxaa lagu waramay in Isniinta maanta ah uu dhexmaray maleyshiyo kasoo kala jeeda qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta ee wada dega waddanka Itoobiya.

Dagaalkan qarxay aroornimadii Isniinta maanta ah ayaa ka dhacay degaano hoos-yimaado Tuli-guuleed oo ka tirsan gobolka City. Dadka degaanka waxay intaas ku dareen in uu jiro khasaaro geeri iyo dhaawac.

Xaaji Cali Musue Xasan oo kamid ah dadka degaanka ayaa laanta afka Soomaaliga ee BBC-da wuxuu u sheegay in laba kamid ah odayaasha degaanka ay ku dhaawacmeen dagaalka laba kale ay ku dhaawacmeen.

"Dagaalka wuxuu bilowday shantii subaxnimo illaa haddana wuu socdaa," ayuu u sheegay Idaacadda Duhurnimo ee BBC-da. "Dagaalkan ma ahan wax dhowaan bilowday saddexdii sano ee lasoo dhaafay buu socdaa".

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan isku-dhacaan oo illaa haatan kasoo baxay dhanka ismaamulka Soomaalida iyo Canfarta. Isku-dayo la doonayey in wax looga waydiiyo is-rasaaseynta ayaanan guuleysan.

Mr Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyay Canfarta in ay doonayaan in ay "xoog ku qabsadaan dhulka Soomaalida". Inkasta oo uu xusay in ay is-difaaci doonan, balse wuxuu tibaaxay in ay nabad rabaan.

Isku-dhacyada qowmiyadaha Itoobiya ayaa sanadihii u dambeeyay waxay u muuqdeen kuwa cirka isku-siishareeyay iyaddoo maamulka Abiy Axmed uu ku guuldareystay in uu si wax ool ah ula tacaalo qadiyadan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM