Kiis cusub lana xiriira fayruska faafa ee Ebola oo lasoo wariyey

Image

CONAKRY, Guinea - Guinea ayaa Khamiistii soo warisay kiiskeedii ugu horreeyay ee cusub ee cudurka Ebola muddo bil ku dhow, sida ay sheegtay hay'adda caafimaadka adduunka ee marka lasoo gaabiyo magaceedu yahay WHO.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu agaasimaha xafiiska caafimaadka ee WHO ee Afrika, Matshidiso Moeti, wuxuu daboolka ka qaaday in kiiska laga diiwaan galiyay Souloutavillage oo ka tirsan koonfurta bari ee magaalada N’Zerekore.

"Waan ka xunahay inaan maqlo kiiska #Ebola ee laga soo sheegayo Guinea 27 maalmood kadib iyada oo aan la helin kiis cusub oo la xaqiijiyay. Waxaan wali ku jirnaa feejignaan sare - waxaan taageeraynaa dadaalada kormeerka iyo diyaargarowga ee masuuliyiinta caafimaadka Guinea ee meelaha deriska la ah," ayuu tiri agaasimaha WHO ee Africa, Matshidiso Moeti.

Tani waa kiiskii ugu horreeyay tan iyo 4-tii Maarso taasoo ka dhigeysa wadarta tirada kiisaska la soo sheegey 19, oo ay ku jiraan 19 dhimasho diiwaangashan.

Dhimashadii ugu dambeysay waxaa la diiwaangeliyey 24-kii Maarso. Guinea oo ay weheliyaan dalal kale oo uu ka dilaacay cudurka Ebola sida DR Congo waxay bilaabeen habka tallaalka ee ka hortagga fayraska.

In ka badan 3,200 oo qof, oo ay ku jiraan 529 la qaadsiiyey ayaa la tallaaley iyada oo qayb ka ah ololaha. In ka badan 1,600 oo qof, oo ay ku jiraan shaqaalaha caafimaadka ayaa la tallaalay illaa iyo hadda, sida ay sheegtay WHO.

Cudurka faafa ayaa waxaa lagu waramay in ay u dhinteen in ka badan 11,300 oo qof oo ku nool Guinea, Liberia iyo Sierra Leone intii u dhaxeysay 2013 iyo 2016.

Cudurka Ebola wuxuu sababa qandho daran, xaaladaha ugu xun, dhiig bax aan la joojin karin. Waxaa lagu kala qaadaa taabashada dhow ee dheecaannada jirka, dadka la nool ama daryeela bukaannada ayaa halista ugu badan leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM