Kolanyo diblumaasiyiin Mareykan ah oo lagu xabadeeyay Suudaan

Image
Dhacdadan ayaa dhabaha u xaartey in xukuumadda Washington ay digniin u dirto dhinacyada dagaalamaya.

KHARTUUM, Suudaan - Kolonyo ay la socdeen diblumaasiyiin Mareykan ah ayaa lagu xabadeeyay gudaha Sudan. Xoogaga Rapid Support Forces ee Sudan (RSF). ayaa la tuhunsan yahay in ay geysteen falkan. Lama soo sheegin khasaaro geeri ama dhaawac ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa shaaca ka dhigay in dhacdadan ay ahayd wax uu ku tilmaamay inay ahayd “ka fiirsi la’aan” iyo “mas’uuliyad darro”.

Dhacdadan ayaa keentay digniin toos ah iyo in uu Blinken si gooni gooni ah taleefoon ugula hadlay hogaamiyaha RSF General Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan Hemetti, iyo taliyaha ciidamada Sudan General Abdel Fattah al Burhan.

Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa, Blinken ayaa hogaamiyeyaashan u sheegay in khatar kasta oo kusoo wajahan diblumaasiyiinta Mareykanka ay tahay mid aan la aqbali karin.

"Waxaan walaac qoto dheer ka qabnaa guud ahaan degaanka ammaanka," ayuu Blinken ayaa ku yiri shir jaraa'id oo uu ku qabtay Japan halkaas oo uu kaga qaybgalay shir ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee G7.

Dagaalada ka socda Suudaan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 185 qof in ka badan 1,800 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen iyadoo labada dhinac ay guulo ka kala sheegteen dagaalkaasi oo la isku adeegsaday duqeyn iyo madaafiic.

Iska horimaadyada ayaa sii socday inkastoo marar badan ay Maraykanka iyo dalal kale ka dalbadeen in la joojiyo dagaalka iyo sidoo kale dadaallo ay wadaan Masar iyo Imaaraadka Carabta oo ay ku doonayaan in dhinacyada iska soo horjeeda ay ku heshiiyaan xabbad joojin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM