Kooxda ka dambeysay qaraxyadii Kampala oo la shaaciyey
KAMPALA- Saddex qof ayaa ku dhintay qaraxyo ismiidaamin ah oo subaxnimadii Talaadada gilgilay magaalada Kampala ee dalka Uganda, weerarkan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee ay mas’uuliyiinta ammaanku sheegeen inay fuliyeen kooxo argagixiso ah oo xiriir la leh Allied Democratic Forces (ADF).
Qaraxyada ayaa waxaa u dhexeeyay saddex daqiiqo, iyadoo qaraxa koowaad uu ka dhacay saldhigga dhexe 10:03 subaxnimo, halkaasoo ay ku dhinteen laba qof, 17 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay afhayeenka booliiska Fred Enanga oo saxaafadda kula hadlay xaafadda Naguru ee magaalada Kampala.
Qaraxa labaad oo sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca 16 qof ayaa ka dhacay wadada baarlamaanka abaare 10.06 subaxnimo, waxaana qarxiyay labo nin oo watay laba mooto, sida ka muuqatey muuqaal kaamirada CCTV ee booliska ay baahiyeen.
Shan ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa xaaladoodu aad u liidataa, waxaana ku jira laba askari oo booliis ah, sida ay booliisku sheegeen.
Saddex qof oo ismiidaamiyey ayaa ku lug lahaa weerarada, halka qof kamid ah argagixisada ee afaraad la qabtay isagoo u sii socda inuu qarax sameeyo.
“Waxaan daba galnay ninkii afraad, waxaana ku toogannay Bwaise. Waxa kaliya loo aqoonsaday inuu yahay Moze. Waxaan ka helnay jaakad ismiidaamin ah iyo agab kale oo lagu sameeyo bambooyinka gurigiisa oo ku yaala Nansana, Katooke, Wamala Parish,” ayuu yiri Mr Enanga.
Aad u feejignaan
Weerarada dhacey Talaadadii ayaa ahaa kii sadexaad ee wax ka yar hal bil gudaheed, booliiskuna waxay ka digayaan "In koxhaaan si fudud aan looga adkaan karin" sababtoo ah waxay ku dhex nool yihiin bulshada dhexdeeda waxayna isticmaalaan waxyaabo diyaarsan oo si sahlan looga helo dukaamada - si loo sameeyo bambooyinka.
24-kii bishii Oktoobar ee sanadkan ayay ahayd markii qarax laga sameeyey masaamiir uu hal qof ku dilay maqaayad ku taal xaafadda Komamboga ee waqooyiga magaalada Kampala, labo maalmood kadib, qof isa soo miidaamiyay ayaa bam ku qarxiyay gaari bas ah.
"Waxaan si adag u aaminsanahay inay jiraan argagixiso kale oo kooxdan ka tirsan, marka waxaan ka codsanaynaa Dadka reer Uganda inay aad u feejignaadaan," ayuu yiri sarkaal booliiska ka tirsan.
Mr.Enanga ayaa tilmaamay in ADF ay tahay Jabhad ka dagaalanta dalka Uganda kuwaas oo ku dhaqma afkaarta islaamiga ah,waxana ay ka hawlgali jireen bariga Congo tan iyo sagaashamaadkii, lakiin Uganda waxay ku leeyihiin unugyo hurda.
GAROWE ONLINE