Ku dhowaad 100 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Sierra Leone

Image
Magaalada caasimada ah ee Freetown ayaa dhowr looga soo wariyey musiibooyin noocaan ah.

FREETOWN, Sierra Leone  - Ugu yaraan 98 qof ayaa la sheegay in ay ku dhimatay kadib markii booyad shidaal ay ku dhacday gaari xamuul ah oo marayey caasimadda dalka Sierra Leone ee Freetown taasoo ay ka dhalatay qarax aad u xooggan.

Shidaal ayaa daatay ka hor inta uusan horseedin qaraxa waxaana dabka ka dhashay uu qabsaday dad ag taagnaa iyo gaadiid marayay isgoys mashquul badan.

Muuqaalo ay baahiyeen warbaahinta maxaliga ah ayaa muujinaya meydad aad u gubtay oo daadsan wadooyinka ku hareeraysan booyada.

Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Juldeh Jalloh oo goobta booqday kadib ayaa sheegay in ay tahay “musiibo qaran”. Waxa uu intaas ku darray in dadka dhaawaca ah ay heli doonaan daaweyn lacag la’aan ah.

Duqa magaalada Freetown, Yvonne Aki-Sawyerr, ayaa ku tilmaamay in la arkay sawirro naxdin leh. Ilaa 92 qof ayaa lagu daweynayaa isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka ee ku yaala magaalada Freetown, kuwaas oo qaarkood la sheegay in ay buux dhaafiyeen.

Qaraxa ayaa la rumaysan yahay in uu ka dhacay isgoys ka baxsan suuqa mashquulka badan ee Choithram Supermarket oo ku yaalla xaafadda ay dadku ku badan yihiin ee Wellington ee bariga magaalada abbaare 22:00 GMT ee Jimcihii todobaadkii lasoo dhaafay.

Magaalada dekedda leh ee Freetown, oo ay ku nool yihiin in ka badan hal milyan oo qof, ayaa la kulantey dhowr masiibo oo halis ah sannadihii u dambeeyay.

Bishii Maarso, in ka badan 80 qof ayaa ku dhaawacmay ka dib markii uu dab ka kacay mid ka mid ah xaafadaha isku raranta ah ee magaalada, in ka badan 5,000 oo qof kalana way ku barakaceen.

Sannadkii 2017-kii in ka badan 1,000 qof ayaa ku nafwaayey kadib roobab mahiigaan ah oo horseeday dhoobo ay ku dhufatay magaalada, taasoo ka dhigtay ilaa 3,000 ruux guri la'aan. Dowladda waxay ku fashilantey in ay xal u hesho musiibooyinkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM