Libaax saddex caruur ah ku dilay waqooyiga Tansaaniya

Image

DARU SALAM, Tanzania - Saddex carruur ah ayaa libaaxyo ku dileen meel u dhow keydka duurjoogta caanka ah ee Ngorongoro ee Tansaaniya halkaasoo ay u tageen inay raadiyaan lo' luntay, sida booliska sheegay Khamiistii.

"Dhallinyaradan da'doodu u dhaxaysay 9 ilaa 11-jir ayaa Isniintii ka yimid iskuulka waxayna galeen kayn u dhow Aagga Ngorongoro si ay u goobaan xayawaannada maqan," ayuu yiri taliyaha booliiska Arusha, Justine Masejo.

Masejo oo saxaafadda maxaliga ah ay soo xigatay ayaa hadalkiisa wuxuu intaasi sii raaciyey: “Isla goobtaas ayay libaaxyadu ku weerareen oo ay dileen saddex carruur ah halka midna dhaawacmay".

Ngorongoro oo ku taal waqooyiga Tansaaniya waa goob loo aqoonsadey Dhaxal Aduunyo waxayna hoy u tahay duurjoogta oo ay ku jiraan bisadaha waaweyn sida libaaxyada, haramcadka iyo shabeelka.

"Waxaan jeclaan lahaa inaan ku boorriyo bulshooyinka reer guuraaga ah ee ku xeeran meelahan oo kale inay ka taxaddaraan xayawaanka ba'an gaar ahaan marka ay carruurtooda u xilsaaraan inay xanaaneeyaan xoolaha. Taasi waxay gacan ka geysan doontaa badbaadinta carruurta iyo qoysaskooda," ayuu yiri Masejo.

Tansaaniya ayaa u oggolaanaysa qaar ka mid ah bulshooyinka sida Maasai, oo xoolahooda la daaqa xayawaanka duurjoogta ah, inay ku dhex noolaadaan jardiinooyinka qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, waxay inta badan isku dhacaan xayawaanka sida libaaxyada iyo maroodiga kuwaas oo weerari kara dadka, xoolaha isla markaana xiliyadda qaar laga soo wariyo burburinta dalagga.

Sanadkii la soo dhaafay, Tansaaniya ayaa 36 libaax ka rartay Beerta Qaranka ee Serengeti kadib markii ay weerareen bini'aadam iyo lo' ay lahaayeen bulshooyinka ku xeeran. Isbedelkan wuxuu ka dhashay baaqyo gudaha iyo caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM