Maalqabeen maxkamad loosoo taagay dil loo geystay saxafi caan ah
NAIROBI, Kenya - Ganacsade caan ah oo u dhashay Cameroon ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu ka dambeeyay dil iyo jirdil loo geystay wariye, sida uu qareenkiisu u sheegay wakaalada wararka ee AFP.
Jean-Pierre Amougou Belinga, oo lagu tiriyo inuu aad ugu dhow yahay wasiirro iyo saraakiil sarsare, ayaa la xiray 6-dii February, waxaana la horgeeyay maxkamad milatari oo ku taal caasimadda Yaounde Jimcihii "ka hor inta aan xabsiga lagu sii hayn," ayuu yiri qareenkiisa.
Ilo ku sugan maxkamadda ayaa wakaaladda wararka ee AFP u xaqiijiyay warbixintan. Mas'uuliyiinta ayaan wali fahfaahin ka bixin eedeymaha loo haysto Amougou Belinga.
Saxafiga Martinez Zogo, oo la afduubay, ayaa si arxan darro ah loo dilay bishii Janaayo kadib markii uu ka faalloodey wax-is-daba-marin iyo dhaqaale-xumo.
Dhowr qof kale oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen kiiska ayaa sidoo kale la horkeenay maxkamadda militariga fiidnimadii Jimcaha, sida uu sheegay wariye ka tirsan AFP oo goobta ku sugnaa.
Zogo ayaa 17-kii Janaayo laga qafaashay bannaanka saldhigga booliska ee ku yaalla agagaarka caasimadda Yaounde, waxaana meydkiisa oo go’ay la helay shan maalmood kaddib.
Maalmo ka hor inta aan la dilin, wuxuu dhageystayaashii u sheegay in hanjabaado uu la kulmayo. Saaxiibadiisa waxay sheegeen in uu saldhiga booliska u tagay si uu u diiwaan-geliyo khatartaas ammaan.
Dilku waxa uu dhaliyay qaylo, oo ay ku jirto mudaaharaad ay sameeyeen 20 ka mid ah dadka reer Cameroon oo ka cabanaya dhaqanka dheer ee dawladda ee yaraynta isla xisaabtan la'aanta iyo aqbalida xadgudubyada.
GAROWE ONLINE