Madaxwayne hore oo ku dhow in qasab xabsi loogu taxaabo
CAPE Town, South Africa – Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa ku booriyay maxkamad goboleed in ay hor istaagto xarigiisa maadama uu ku raad joogo dedaalo xagga sharciga ah oo ka dhan ah xukunkiisa xabsi kaasoo garka loo geliyey todobaadkii aynu soo dhaafnay.
Tani ayaa yimid Talaadadii, toddobaad kadib markii maxkamadda dastuuriga ah ay ku xukuntay Zuma 15 bilood oo xabsi ah sababo la xiriira quursiga maxkamadda markii uu ka dhaga adeegay amar lagu siiyay caddeyn baaris musuqmaasuq bishii Febraayo.
Maxkamadda ayaa ku amartay booliska inay xiraan Zuma dhamaadka Arbacada haddii uusan isagu is dhiibin, taasoo dhalisay falcelin caro leh oo ay muujiyeen taageerayaasha Zuma isla markaana ay kala qaybsanaan qoto dheer ka dhex abuurtay xisbiga talada haya ee African National Congress (ANC).
Laakiin dabayaaqadii usbuucii la soo dhaafay, Zuma wuxuu weydiistay maxkamadda dastuuriga inay joojiso xukunkeeda wuxuuna u gudbiyay maxkamadda sare dacwad ka dhan ah si looga hortago in booliisku ay xiraan illaa maxkamadda dastuuriga ah ay ka dhageysaneyso "codsigiisa dib u celinta" 12-ka July.
Doodo sharciyeed ka hor Maxkamadda Sare ee Pietermaritzburg, qareenka Zuma ayaa Talaadadii ku boorriyay inay laasho xukunka, "iyada oo la tixgelinayo xaaladda qasan ee hareeraha guriga miyiga ah ee Zuma"
Boqolaal ka mid ah jamaahiirta Zuma, oo qaarkood hubeysan, ayaa isugu soo baxay banaanka guriga Zuma maalintii Axada si ay u arkaan isaga oo ka horyimaadan garsoorayaashii xukumay oo la barbardhigay hogaankii caddaanka ahaa ee laga tirada badnaa ee midab takoorkii uu la soo dagaalamay intii lagu jiray halgankii xoreynta.
Jacob Zuma oo ku ololeeyay in uu la dagaalamayo musuqmaasuqa hareeyay Koonfur Afrika ayaa xilkiisa waayey markii ay kusoo baxeen fadeexadooyin kala duwan, isaga oo noqdey hogaamiyihii koowaad ee xukun xabsi lagu xukumo isaga oo xilka laga qaadey bilooyin un yar kadib.
GAROWE ONLINE