Madaxwaynihii Namibia oo u geeriyoodey cudurka kansarka

Image
Hage Geingob oo 82-jir ahaa ayaa xanuunkan waxaa si rasmi ah looga helay bishii hore.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynihii dalka Namibia, Hage Geingob, ayaa geeriyooday xilli lagu daweynayay isbitaal ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Windhoek, sidda ay warisay warbaahinta maxaliga ah.

Madaxweyne ku xigeenka dalka, Nangolo Mbumba oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa waxa uu ku dhawaaqay in Mr Geingob uu dhintay saacadihii hore ee maanta oo Axadda.

"Markii neeftii ugu dambeysay uu neef-sanayay, garabkiisa waxaa joogtay xaaskiisa qaaliga ah Madame Monica Geingos iyo caruurtiisa," ayuu Mr Mbumba ku yiri warka qoraalka ah.

Hogaamiyaha 82-jirka ahaa ayaa todobaadkii hore waxaa laga helay cudurka kansarka, waxaana uu shaaca ka qaaday in cudurka laga helay dadweynaha bishii hore.

Xafiiskiisa warfaafinta oo bayaan kooban faafiyay ayaa wuxuu ku dhawaaqay inuu u safri doono Mareykanka si uu u dabiibo, laakiin uu ku laaban doono Namibia 2-da Febraayo.

Mr Geingob ayaa waxa uu qabtay xilka madaxweyne ee waddankaas sanadka markii uu ahaa 2015-kii, waxaana uu xilka hayay muddo xileedkii labaad oo ugu dambeysay.

Sanadkii hore ayuu galay qalliin halbowle ah. 2014-kii ayuu ka badbaaday kansarka qanjirka. Namibia ayaa lagu waday in ay ka qabsoonto doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka bisha November.

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM