Madaxweynaha Jabuuti oo si kulul uga hadlay afgambigii Gabon

Image

JABUUTI, Jabuuti - Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay afgambigii lagu eryay madaxweyne Cali Bongo ee ka qabsoomay dalka qaniga ku ah shidaalka ee Gabon

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa cambaareeyay mowqifka ciidamada, isagoo carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la ixtiraamo hay’adaha dastuuriga ah.

Guddoomiyaha urur-goboledka IGAD ayaa ugu baaqay ciidamada in ay dib ugu soo celiyaan xukunka madaxda la doortay, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo khalkhal gelinaya ammaanka dalka Gabon iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Ilaalada Madaxtooyada Gabon ayaa abaabulay afgambi militari oo arbacadii ka dhacay dalkaas oo lagu baabi’iyay natiijadii doorashada uu dhawaan ku guuleystay madaxweyne Cali Bongo.

Iyada oo Beesha Caalamka ay cambaareysay afgambiga, ayaa waxaa soo dhaweeyay mucaaradka Gabon kuwaas sheegay in ay u mahadcelinayaan ciidamada, waxayna ka codsadeen in ay isugu yimaadaan kulan looga hadlayo mustaqbalka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM