Madaxweynaha Namibia oo laga helay cudurka kansarka

Image
Hage Geingob ayaa la sheegay in uu daawo u doonan doono waddanka Mareykanka.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Namibia, Hage Geingob, oo 82 jir ah, ayaa u duulaya Maraykanka si uu u helo "daawayn gaar ah" oo dhanka kansarka, sidda uu sheegay xafiiskiisa

Tani waxay ku soo beegantay wax ka yar hal toddobaad ka dib markii uu xafiiskiisu sheegay in baaritaano caafimaad ay ku ogaadeen inuu qabo "unugyo kansar".

82-jirkan wuxuu ku qaadan doonaa "daaweyn cusub" gudaha Mareykanka muddo toddobaad ah, ka hor inta uusan ka soo laaban si uu ugu sii wato daweyntiisa Namibia, ayuu raaciyay xafiiskiisa.

Madaxweyne ku xigeenka, Nangolo Mumba, ayaa sii ahaan doona ku simaha madaxweynaha inta uu maqan yahay Geingob kaas oo dalkan xukumaya muddo dhowr sano ah.

Sikastaba ha ahaatee, walaaca laga qabo caafimaadka Mr Geingob ayaa waxa uu ahaa mid isa soo tarayay, iyadoo wararku ay sheegayaan in sanadkii hore uu qirtay inuu daciifay jirkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM