Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika oo ka badbaadey shil gaari

Image
Gaariga uu waday darawalka sakhraansanaa ayaa "ku dhacay" baabuurka Zuma oo ahaa nooca gaashaaman.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika ayaa ka badbaaday shil baabuur kadib markii gaari uu la socday uu jiiray darawal sakhraansan, sida ay booliisku sheegeen.

Dhacdadan ayaa waxay kusoo beegantay saacado kadib markii saraakiisha doorashada ay Jacob Zuma u diideen inuu isu soo taago doorashada guud ee dhici doonta 29-ka May.

Nin 51 jir ah ayaa lagu xiray gobolka KwaZulu-Natal "kadib markii isaga oo sakhraansan uu baabuur waday". Sidoo kale, waxaa lagu eedeeyay inuu si taxadar la'aan ah u waday gaariga".

Gaariga uu waday darawalka sakhraansanaa ayaa "ku dhacay" baabuurka Zuma oo ahaa nooca gaashaaman, sidda laga soo xigtey warbixinta kasoo baxdey booliska.

Eedeysanaha ayaa lagu waddaa inuu maxkamad kasoo muuqdo maalinka Talaadada ee todobaadkan si uu u wajaho dacwadda lagu soo eedeeyay, sidda ay sheegeen booliska.

Zuma ayaa jagada baneeyay sanadkii 2018-kii iyadoo ay hareeyeen eedeymo ku saabsan musuqmaasuq markii uu xilka ka qaaday Cyril Ramaphosa, balse wuxuu weli leeyahay awood siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM