Mandera: Isu-socodka gaadiidka oo loo hakiyey cabsi weeraro

Image

NAIROBI, Kenya - Maamulka gobolka Mandheera ee waqooyi barri Kenya ayaa joojiyay dhaqdhaqaaqii gawaaridiisa sababo la xiriira dhacdooyinka argagaxisada ee ku soo badanaya aagaasi.

Ugu yaraan afar weerar ayaa dhacay labadii todobaad ee la soo dhaafay waxaana ku dhintey ugu yaraan lix qof oo shacab u badan 15 kalena way ku dhaawacmeen.

Weerarada waxaa lala xiriirinayaa al Shabaab iyo dagaalada u dhexeeya qabaa'ilka deegaanka ee ku saabsan arrimaha xuduudaha. Waxaa jira cabsi laga qabo in weeraro kale dhacaan markii dadka degaanka ay soo sheegeen inay arkeen dabley badan oo meeraysanaya meelo kala duwan iyagoo qorsheynaya inay weeraraan.

Xoghayaha Gobolka, Cabdinuur Xuseen oo ay soo xigatay majaladda The Star, ayaa 10-kii Juun sharaxay qawaaniin adag oo la raacayo dhaq dhaqaaqa gawaaridooda.

"Sidaad la socotaan, xaaladda nabadgelyo ee hadda jirta aad bay u kacsan tahay sidaa darteedna waa inaan taxaddar dheeraad ah ka muujino dhaqdhaqaaqa gawaarida rasmiga ah ee aan wadno," ayaa lagu yiri qoraalka.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Tan darteed, waxaa lagugula talinayaa inaad si adag u ilaaliso xeerarka la dejiyay ee khuseeya dhaqdhaqaaqa gawaarida gobolka".

9-kii Juun, ugu yaraan saddex qof ayaa dhimatay markii gaari ay leedahay Shirkada Adeegga Duurjoogta ee Kenya uu ku dhacay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku sugnaa deegaanka Qoqay, Takaba.

6-dii Juun, dabley hubeysan oo dadka deegaanku u maleeyaan inay yihiin Al-Shabaab ayaa weeraray laba bas oo rakaab ah waxayna dileen seddex qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo bilays ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Ghana oo lagu daray Liiska Cas ee Interpol

Ofori-Atta, oo la rumeysan yahay inuu dalka dibaddiisa u joogay daawayn caafimaad, ayaa diiday eedeymaha loo soo jeediyay.

  • Afrika

    07-06-2025

  • 09:23AM

Taliyaha AFRICOM: Wuu Dhammaaday Xilligii Afrika Ku Tashanaysay Taageerada Milatari ee Maraykanka

Isbeddelkan siyaasadeed ayaa noqonaya caqabad cusub oo hor taagan dalal badan oo Afrikaan ah.

  • Afrika

    31-05-2025

  • 11:37AM