Mareykanka iyo Suudaan oo kawada hadlay xaalada Tigray

Image

WASHINGTON, USA - Ra'iisul Wasaaraha Sudan, Cabdalla Xamduuk, iyo xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka, Antony Blinken, oo khadka telefoonka kuwada hadlay, sida ku xusan qoraalo ay soo saareen.

Sida laga soo xigtay bayaanka, dhinacyadda ayaa isla-meel-dhigay sida loogu baahan yahay in wadaxaajood lagu soo dhameeyo colaada gobolka Tigray. Joogitaanka askarta Eritrea ayay sidoo kale kawada hadleen.

Labada mas'uul ayaa sidoo kale waxay isla soo qaadeen "kororka iska hor-imaadyada hubaysan ee ka socda gobollada Axmaarada iyo Canfarta ee Itoobiya, xaaladda bani'aadamnimo ee gobolka Tigray oo sii xumaanaysa, iyo wararka sheegaya in ciidamada Eritrea ay dib u galeen Itoobiya, kuwaas oo dhammaantood saamayn ku leh xasiloonida gobolka".

"Xoghaye Blinken wuxuu soo dhoweeyey bayaankii dhowaan la saxiixay ee dhaqdhaqaaqa Al Hilu [Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Dadka Suudaan - Waqooyiga] wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xaqiijinta badbaadinta dadka rayidka ah ee Suudaan oo dhan," ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Abdelaziz Al Hilu, oo ah hoggaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Xoraynta Dadka Suudaan - Waqooyiga, ayaa heshiis la saxiixday dawladda ku-meel -gaarka ah ee Mr Hamdok toddobaadkii hore magaalada Juba ee Koonfurta Suudaan. Heshiiskaas ayaa waxaa looga dan lahaa in loo gogol xaaro wadahadalada nabada ee bilowday kadib colaadda dhiiga badan uu ku daatay.

Colaadda ka oogan gobolka Tigreega ee dhaca waqoyga waddanka Itoobiya ayaa xiisad ka abuuray xadka lagu muransan yahay ee Suudaan, taas oo kor u qaadey xasaradda ka jirta gobolka aadka u jilicsan.

Ka dib markii dagaalyahannada Itoobiya iyo Amxaaradu ay u dhaqaaqeen inay ka dagaallamaan Tigray, askarta Suudaan ayaa u soo dhaqaaqday inay dib ula wareegaan inta badan Al Fashaga, oo ah dhul bacrin ah kuna yaala sohdinta labada dal.

Suudaan ayaa sidoo kale ku eedeysay Itoobiya in ay diidan wada xaajood ku saabsan xal laga gaaro is-mari-waaga ka taagan biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ee Wabiga Nile kaasoo dalka Shiinaha uu maalgelinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay in ay sii wadi doonto la dagaalanka kooxda AS

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya ayaa ku adkeystay in ay doorkooda difaacan doonan.

  • Afrika

    16-11-2024

  • 07:36AM

Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal kasoo yeeray dowladda Suudaan

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa muujisay "sida ay uga xun tahay" hadalkaas.

  • Afrika

    15-11-2024

  • 07:45AM