Mareykanka oo $5 milyan dul-dhigay amiirka Daacish ee DR Congo
KAMPALA, Uganda - Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu abaal-marin lacageed gaaraya 5-milyan oo doollarka Mareykanka ah uu siin doona ciddii keenta xog horseeda soo qabashada hoggaamiyaha malleeshiyada ADF ee sida weyn uga hawl-gala dalka DR Congo.
ADF waa mid ka mid ah kooxaha hubaysan ee ku sugan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, oo ah gobol aan xasilloonayn oo tobanaan sano ay hareeyeen rabshado.
Maleeshiyada -- oo xiriir la leh kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka -- ayaa lagu eedeeyay inay gowracday kumannaan rayid ah oo reer Congo ah, ayna weeraro qaraxyo ah ka geysatay Uganda.
Safaaradda Mareykanka ee magaaladda caasimadda ah eeKinshasa ayaa sheegtay in ay lacagta u bixineyso xogta lagu soo xirayo hoggaamiyaha ADF, Seka Musa Baluku.
Baluku waxa uu u dhashay Uganda, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, kaas oo ay u badan tahay in da'diisu ay tahay 40-sano jir.
Sidda laga soo xigtey wargeyska Long War Journal, Baluku ayaa gacansaar waxa uu la leeyahay hogaanka Daacishta Soomaaliya ee ku dhuumaaleysta degaanada buuraleyda ah ee Puntland.
Majaladda ayaa si gaar ah waxay u carabowdey in 40-sano jirkan uu si toos ah cilaaqaad kala dhaxeeyo Cabdiqaadir Muumin oo ah amiirka ISIL-Somalia iyo horjoogihii dhowaan la khaarijiyey ee Bilaal Al-Suudaani.
"ISIL-Somalia waxay martigelisaa xafiiska gobolka Al-Karrar, kaas oo gacan ka geysta kormeerka iyo isku dubaridka dhaqdhaqaaqyada maafiyadda ee guud ahaan Bartamaha, Bariga iyo Koonfurta Afrika," ayay raacisay warbixinta.
Sannadkii 2021, Maraykanka ayaa wuxuu si rasmi ah ADF ugu aqoonsadey garabka kooxda Dawladda Islaamka ee bartamaha Afrika waxa uuna ku daray liiska ururrada argagixisada shisheeye.
Maleeshiyada ayaa sii waday weerarada khasaaraha badan dhaliyay ee ay ka geysanayaan bariga Congo, gaar ahaan gobolada dariska la ah ee Waqooyiga Kivu iyo Ituri. Inta badan howlgaladda ay fuliyeen waxay ku beegsadaan ciidamadda iyo dadka Masiixiyiinta ah.
GAROWE ONLINE