Mareykanka oo liis madow ku daray hogaamiyaha Zimbabwe

Image
Emmerson Mnangagwa iyo mas'uuliyiin kale ayaa lagu soo rogay xayiraad caalami ah.

NAIROBI, Kenya - Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay madaxweynaha Zimbabwe oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo sarsare, kuwaasoo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Isniintii dowladda Mareykanka waxay sheegtay in hogaamiyayaasha Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa, iyo kooxdiisa siyaasadda ay ku tunteen hantida dadweynaha dano gaar ah.

Xaaska Mr Mnangaga, Auxillia Mnangagwa, ayaa sidoo kale lagu soo rogay cunaqabatayn sababtoo ah waxay "fududaysaa dhaqdhaqaaqyada musuqmaasuqa ee ninkeeda".

Dowladda Zimbabwe ayaan ka hadlin eedeymahan balse waxa ay meesha ka saartay cunaqabateyn horay loogu soo rogay, taasoo qeyb ka ah qorshaha reer galbeedka ay ku doonayaan in isbedel siyaasadeed lagu sameeyo.

Tallaabadan ayaa meesha ka saartay amarkii hore ee cunaqabataynta fulinta ee la soo saaray 2003 waxayna u guuraysaa 11 qof iyo saddex hay'adood liiska caalamiga ah - barnaamijka cunaqabataynta caalamiga ah ee Magnitsky.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM