Mareykanka oo shaaciyey mowqifkiisa heshiiska nabada Itoobiya

Image
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu la kulmay Abiy Axmed.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa muujiyay sida ay muhiimka u tahay in si buuxda loo dhaqan geliyo heshiiskii nabadeed ee u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo ciidamada Tigreega.

Antony Blinken ayaa caddeeyay mowqifka xukuumadda Washington ee heshiiskaas uu gardaadiyey Midowga Afrika ka gadaal markii uu wada hadal dheer la yeeshay ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Blinken ayaa sheegay in ay tahay in lagala xisaabtamo gabood-fallada ay geysteen dhammaan dhinacyada, isla markaana kormeerayaasha xuquuqul insaanka loo ogolaado goobihii ay ku burbureen dagaalladii la soo afjaray bishii November ee la soo dhaafay.

Xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in labada mas'uul ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka oo hoos-u-dhacay kadib colaaddii u dhaxeysay ciidamada federaalka, xulafadooda Eritrea iyo Tigrayga.

Mr Blinken, oo sidoo kale la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Tigrayga, ayaa ku dhawaaqay lacag dheeraad ah oo dhan $330m (£247m) oo loogu talagalay Itoobiya si wax looga qabto baaiyaha ka jira meelaha colaadu saameysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM