Mareykanka oo shaaciyey mowqifkiisa xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Washington ayaa waxa ay si cad uga hor-timid aqoonsi caalami ah oo la siiyo Somaliland.

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa walaac xun ka muujiyay in uu sii kordhayo xiisadda u dhaxeysa #Somalia iyo Ethiopia, isagoo ku baaqaya wadahadal diblomaasiyadeed si wax looga qabto arrintan.

Washington oo kamid ah xulafada caalamiga ah ee sida u taageera Muqdisho ayaa si cad uga hor-timid in aqoonsi caalami ah ay u hesho Somaliland wuxuuna ku baaqay in la dejiyo xaalada.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller, ayaa mowqifka dalkiisa waxa uu uga dhawaaqay shir jaraa'id oo uu qabtey Arbacadii waqtiga Geeska Afrika.

"Dowladda Mareykanka waxa ay aqoonsan tahya madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya kuna saleysan xuduudihii 1960-kii," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Go'aanka ay qaadatay xukuumadda Washington oo dharbaaxo ku ah Itoobiya ayaa qeyb ka ah cadaadis caalami ah oo dowladda Soomaaliya bilowdey tan iyo markii ay Addis Ababa heshiiska la gashay Hargeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM