Mareykanka oo si rasmi ah ciidamadiisa ugala baxaya dalka Niger

Image
Ilaa sannadkii hore, waxa Niger joogay in ka yar 1,000 askari oo Maraykan ah ayaa joogay dalkan ay xoogga ku qabsadeen milatariga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mareykanka ayaa ciidamadiisa kala baxaya Niger, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen goor dambe oo Jimcihii shalay ah.

Illaha ayaa isagoo intaa ku daray in heshiis ay wada gaareen ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Kurt Campbell iyo hoggaanka Niger ay ku timid talaabadan.

Ilaa sannadkii hore, waxa Niger joogay in ka yar 1,000 askari oo Maraykan ah, halkaas oo millatariga Maraykanku ku lahaayeen laba saldhig, oo uu ku jiro saldhigga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Air Base 201 oo u dhow Agadez ee bartamaha Niger oo ay ku baxday in ka badan $ 100 milyan.

Tan iyo sanadkii 2018-kii, saldhigan waxaa loo adeegsaday beegsiga dagaalyahanada dowladda Islaamiga ah iyo Jameecadda Nusrat al-Islam wal Muslimeen, oo xiriir la leh al-Qaacida, ee gobolka Saaxil.

Sannadkii hore, ciidamada Niger ayaa xukunka kula wareegay afgambi. Ilaa afgambigii, Niger waxay sii ahaan jirtay saaxiibka muhiimka ah ee amniga ee Maraykanka iyo Faransiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM