Masar: Caro ka dhalatay saxafi ku baaqay in la cuno hilibka faraska

Image
Tamer Amin oo ah tabiyaha barnaamijka Akher al-Nahar ee galab walba laga daawo telefishinka Al-Nahar.

QAAHIRA, Masar - Daadihiyaha barnaamij ka baxa teleshin maxali ah oo la aaminsan yahay in uu u jaranjeera dawlada Masar ayaa kiciyay falcelin rarro leh taasoo baraha bulshadda dalkaas ka ooggan tan iyo hadalkiisii ​​Arbacada todobaadkii lasoo dhaafay.

Saxafiga ayaa ku dhiirigeliyay muwaadiniinta lacagta caddaanka ah haysta inay cunaan hilibka fardaha iyo dameeraha isaga oo si maad ah ugu andacooday "in ay leeyihiin caafimaad badan".

"Maxaynu u cuni waynay hilibka dameeraha iyo fardaha, waxaa lagu iibiyaa oo laga cunaa wadamo badan," ayuu 8-dii Maarso yiri Tamer Amin oo ah tabiyaha barnaamijka Akher al-Nahar ee telefishinka Al-Nahar.

Amin ayaa ku daray hadalkiisa: "Hilibka farasku aad buu u caafimaad badan yahay, waana badbaado badan yahay, waxaana aaminsanahay in aanay diin ahaan mamnuuc ahayn".

Dhawaqiisa ayaa yimid maalin ka hor inta aysan hay'adda tirakoobka ee Masar ku dhawaaqin in sicir-bararka macaamiisha magaalooyinka uu gaaray heerkii ugu sarreeyay shan sano iyo bar - 31.9 boqolkiiba.

Hadalkan ayaa waxaa dhaleeceeyay culumaa’udiinka, waxayna ku nuux-nuuxsadeen in dameeraha iyo hilibka fardaha ay yihiin “xaaraam” ama in shareecada Islaamka ay mamnuucday.

Qiimaha cuntada iyo badeecooyinka aasaasiga ah, oo u badan kuwa dibadda laga keeno, ayaa wax ka badan laban-laabmay tan iyo markii lacagta Pound-ka Masar la dhimay bilowgii sanadkan.

Talaabadan ayaa timid kadib markii Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ay ansixisay in la sii daayo Qaahira bishii Diseembar, waana heshiiskii saddexaad tan iyo markii Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi uu xukunka kula wareegay afgambi militari 2013-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM