Itoobiya oo bilowday buuxinta biyo-xireenka webiga Nile

Image

QAAHIRA, Masar - Wasiirka waraabka Masar ayaa shaaca ka dhigay Isniintii shalay ahayd inuu ka helay dhigiisa waddanka Itoobiya ogeysiis rasmi ah kuna sabasan inay bilaabeen buuxinta kaydka biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), sanadkii (2) labaad.

Masar ayaa ku wargalisay Itoobiya diidmada qayaxan ee ay ka qaadatay talaabadan oo ay u aragto mid khatar ku ah xasiloonida gobolka, sida wasiirka waraabka Maxamed Cabdel Aty uu bayaan ku sheegay.

Itoobiya ayaa ku adkeysatay in biyo xireenka ku dul yaal saamigeeda webiga weyn Blue Nile uu muhiim u yahay horumarinteeda dhaqaale iyo inay siiso koronto dadkeeda.

Qaahira waxay u aragtaa biyo xireenka inuu yahay mid khatar weyn ku ah biyaha ay siiso wabiga Niil, oo ay gabi ahaanba ku tiirsan tahay. Suudaan, oo ah wadan kale oo hoos taga, ayaa walaac ka muujisay badqabka biyo xireenka iyo saameynta ay ku yeelan karto biya xireenkeeda iyo xarumaha biyaha.

Baaxadda biyaha uruuraya waxay ku xirnaan doontaa xaddiga roobabka xilliyeed ee ka da'a Itoobiya, sida uu xusay afhayeen u hadlay Wasaaradda Waraabka ee Masar Maxamed Ghanim kaasoo u waramay telefishin maxalli ah.

"Ma arki doonno wax saameyn ah oo hadda laga helayo Wabiga Nile. Waxaa naga horreeya bil ama bil iyo bar," ayuu ku daray wasiirka oo bayaankiisa si weyn loola wadaagay dadweynaha.

Masar iyo Suudaan waxay sameeyeen olole diblomaasiyadeed oo ku saabsan heshiis sharci ah oo ku saabsan howlaha biyo-xidheenka, laakiin wadahadallada ayaa marar badan hakad galay.

Dedaaladda diblomaasiyadeed ayaa waxay sii xoogeystay kahor buuxinta ugu horeysa ee biyo xireenka xagaagii lasoo dhaafay, iyo markale todobaadyadii ugu dambeysay

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay ka hadlaan arrintan Khamiista. "Abdel Aty ayaa warqad u qoray golaha si uu ugu wargaliyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Itoobiya ayaa daaha k rogtay inay ugu dambayntii adeegsanayso xuquuqdeeda ku aaddan biyaha webiga Niil oo ay muddo dheer gacanta ku hayeen wadamadda ay ood wadaaga yihiin.

Safiirkeeda u fadhiya Khartoum ayaa Axadii xusay in Masar iyo Suudaan ay horey u ogaayeen faahfaahinta sadexda sano ee ugu horeysa ee biyo xireenka la buuxinayo, arintaasna aan la horkeenin golaha amaanka maadaama aysan aheyn arin ku saabsan nabada iyo amaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM