Masar oo balanqaad cusub u sameysay Dowladda Soomaaliya

Image
Qaahira ayaa kamid ah xulafada ugu dhow ee maamulka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

QAAHIRA, Masar - Masar ayaa taageertay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2714 ee soo baxay 1-dii December 2023 kaasoo meesha ka saaray cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya tan iyo 1992-kii.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa soo saartay bayaan ay ku qiratay in qaraarkan uu muujinayo horumar la taaban karo oo dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dagaalka ay kula jirto argagixisada iyo raadinta xasilloonida.

Masar waxa ay xaqiijisay in ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in ay dib ugu soo celiso amniga iyo xasilloonida, iyo sidoo kale horumarinta horumarka dalka walaalaha ah ee Soomaaliya.

"Taageeradan ayaa la filayaa in ay saameyn faa'iido leh ku yeelato ammaanka iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika," ayaa lagu soo gabagabaeeyay war-saxaafadeedka.

Qaahira ayaa kamid ah xulafada madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo booqasho ku tagay Masar bilooyinkiisii ugu horeeyay ee xafiiska tan iyo markii dib loo doortey bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2022-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM