Maxaa ka jira in Askari Mareykanka ah lagu dilay Soomaaliya?

Image

NAIROBI, Kenya - Militariga dowladda Mareykanka ayaa xaqiijiyay in aysan jirin Askari American ah oo looga dilay ama looga dhaawacay duleedka magaalada Kismaayo ee Koonfurta Soomaaliya maalintii shalay.

Afhayeenka Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM], Samantha Reho ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Shiinaha, ee "Xinhua" in warka Al Shabaab ee uu yahay mid aan sax ahayn.

"Waan la soconaa wararka Al Shabaab ay sheegtay ee ah inay dishay Askari Mareykanka ah, warkaasi waa been, ma jiro Askari nalooga dilay ama lagu dhaawacay Soomaaliya," ayuu yiri Samantha.

Idaacadda Al-Shabaab, Andalus radio ayaa baahisay in Askari u dhashay dalka Mareykanka lagu dilay dagaal ka dhacay meel ku dhaw Kismaayo shalay subax.

Warka Al Shabaab ayaa yimid xilli ay Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helay kuwa AMISOM iyo Askar Mareykanka ay xoojiyeen dhawaan weerarada ay ku qaadayaan goobaha ay maamusho Kooxda.

Howlgalka oo xoogiisa hadda ka socdo gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxay sheegeen Ciidamada xulufada inay ku burburiyeen dhowr xaruumo oo ay lahayd Al Shabaab, oo ay kamid tahay xarun Idaacadeed.

AMISOM ayaa billowday dhamaadkii sanadkii tagey "December" inay Askarteeda kala baxdo Soomaaliya, iyadoo laga saaray wadanka ilaa hadda 500 oo Askari, waxaana isku diyaarinayaan inay si buuxda dalka uga baxaan marka la gaaro 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

  • Afrika

    08-09-2026

  • 06:20AM

Qaramada Midoobay oo taageertay khariidad si dhab ah u muujinaysa baaxadda Afrika iyo qaaradaha kale

Qaraarka ayaa Jimcihii lagu ansixiyey 164 cod, halka Mareykanka oo keliya uu ka soo…

  • Afrika

    06-09-2026

  • 09:09AM