Maxaabiis baxsatay kadib markii ay dileen ilaaladda xabsiga

Image
Dalkan ayaanan diiwaan galin weerar jihaad doon ah tan iyo sanadka markii uu ahaa 2011-kii.

NOUAKCHOTT, Mauritania - Afar maxbuus oo mitidiin ah ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Nouakchott ee dalka Mauritania, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha dalkaas.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda, maleyshiyaadkan ayaa waxay xargaha goostey kadib markii ay dileen askar ka tirsaneyd ilaalada xabsiga.

Shilkan ayaa dhacay habeenimadii Axadda todobaadkan iyadoo la sheegay in rasaas ay is-weydaarsadeen labada askari ee ilaalada ka ahaa halka labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa kadib dhacdadaas waxay si weyn u adkeeyeen ammaanka agagaarka xabsigaasi, waxaana socda baadi goob loogu jiro raggii baxsaday.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa shacabka ku boorisay inay soo sheegaan xog kasta oo gacan ka geysan karta soo qabashada dadka baxsadka ah kuwaasoo lala xiriirinayo kooxaha argagixisadda ee dalkaas ka jira.

Mauritania ayaanan diiwaan galin weerar jihaad doon ah tan iyo sanadkii 2011, balse waxa ay xuduud dheer la wadaagtaa dalka Mali halkaasi oo ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo ay wadaan kooxaha mintidka ah.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, dowladda Mauritania waxay qortay culimo Muslimiin ah si ay ugu dhiirigeliso maleyshiyaadka xagjirka ah inay towbad keenaan.

Dukumiintiyo ay soo saartay dowladda Mareykanka sanadkii 2011-kii ayaa lagu sheegay in uu jiro heshiis qarsoodi ah oo dhexmaray Mauritania iyo kooxaha Islaamiyiinta, balse xukuumadda Nouakchott way beenisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM