Maxaabiis ONLF oo laga sii daayay xabsiyada Jigjiga

Image

JIGJIGA - Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta xabsiga ka sii daayaan maxaabiis gaaraya Kun iyo shan Boqol [1,500].

Maxaabiistan oo laga sii daayay xabsiga dhexe ee magaalada Jigjiga oo ah magaalo madaxda gobolka, ayaa waxaa cafis u fdiyay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamed.

Waxaa ka mid ah maxaaabiista la siidayay kuwa arrimo siyaasadeed u xirnaa, kuwaasi oo kasoo jeeda qowmiyadaha Oromada iyo Amxaaradda.

Wararka laga helayo magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in maxaabiista maanta lagu wado in la sii daayo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan jabhadda ONLF, balse lama oga inuu ku jiro Qalbi-Dhagax.

Madaxweyne Cabdi Maxamed Iley ayaa dhawaan wadahadal ay Kenya dhex-dhexaadinayso la furay ONLF, waxaana labada dhinac ay kulan maalmo socday ku yeesheen bishan gudaheeda magaalada Nairobi.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda dhexe ee Itoobiya ay dhawaan xabsiga Addis Ababa ka sii daysay maxaabiis u xirxirnaa dhanka siyaasadda.

Dalka Itoobiya saddexdii sano ee ugu dambaysay waxaa ka socday dibadbaxyo qaarkood rabshado watay oo looga so horjeedo dowladda.

Dibadbaxaydan oo intooda badan ka dhacay gobolada Amxaarada iyo Oramada ayaa waxaa lagu dalbanayay isbadal siyaasadeed iyo mid dhaqaaale.

Maalmo ka hor ayay dowladda Itoobiya soo rogtay xaalad deg deg ah oo socon doonto muddo lix bilood ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM