Maxaabiis ONLF oo laga sii daayay xabsiyada Jigjiga

Image

JIGJIGA - Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta xabsiga ka sii daayaan maxaabiis gaaraya Kun iyo shan Boqol [1,500].

Maxaabiistan oo laga sii daayay xabsiga dhexe ee magaalada Jigjiga oo ah magaalo madaxda gobolka, ayaa waxaa cafis u fdiyay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamed.

Waxaa ka mid ah maxaaabiista la siidayay kuwa arrimo siyaasadeed u xirnaa, kuwaasi oo kasoo jeeda qowmiyadaha Oromada iyo Amxaaradda.

Wararka laga helayo magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in maxaabiista maanta lagu wado in la sii daayo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan jabhadda ONLF, balse lama oga inuu ku jiro Qalbi-Dhagax.

Madaxweyne Cabdi Maxamed Iley ayaa dhawaan wadahadal ay Kenya dhex-dhexaadinayso la furay ONLF, waxaana labada dhinac ay kulan maalmo socday ku yeesheen bishan gudaheeda magaalada Nairobi.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda dhexe ee Itoobiya ay dhawaan xabsiga Addis Ababa ka sii daysay maxaabiis u xirxirnaa dhanka siyaasadda.

Dalka Itoobiya saddexdii sano ee ugu dambaysay waxaa ka socday dibadbaxyo qaarkood rabshado watay oo looga so horjeedo dowladda.

Dibadbaxaydan oo intooda badan ka dhacay gobolada Amxaarada iyo Oramada ayaa waxaa lagu dalbanayay isbadal siyaasadeed iyo mid dhaqaaale.

Maalmo ka hor ayay dowladda Itoobiya soo rogtay xaalad deg deg ah oo socon doonto muddo lix bilood ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM