Itoobiya oo xireysa dhismaha safaaradeeda Qaahira

Image
Itoobiya ayaa dhawaan qaadatay go’aan ay ku xireyso safaarado badan oo ay ku lahayd dalal badan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Safiirka Itoobiya u fadhiya Masar, Markos Tekle Rike, ayaa shaaca ka qaaday in safaaradda Itoobiya ee Qaahira ay joojin doonto shaqadeeda bisha soo socota saddex illaa lix bilood sababo dhaqaale awgood.

Rike ayaa cadeeyay in talaabadan aysan wax xiriir ah la lahayn khilaafkii ka dhashay biyo -xireenka weyn ee Itoobiya (GERD) ee u dhexeeya Itoobiya, Masar iyo Suudaan, sida lagu qoray website-ka rasmiga ah ee Masar Ahram Axaddii.

Sida lagu sheegay warbixinta, Rike ayaa xusay in shaqada ay mudadaas u socon doonto si ku meelgaar ah. Itoobiya ayaa dhawaan qaadatay go’aan ay ku xireyso safaarado badan oo ay ku lahayd dalal badan sababo la xiriira musiibo dhaqaale.

Go’aanka lagu xiray qunsulyadda Qaahira ayaa ku soo beegmaya xilli muranka GERD uu hareeyay xiriirka Itoobiya la leedahay waddamada deriska la ah ee Masar iyo Suudaan.

Qaahira iyo Khartuum waxay ka dalbanayaan Addis Ababa inay saxiixdo heshiis sharci ku qotoma oo ku saabsan buuxinta iyo siyaasadaha hawlgalka GERD si loo ilaaliyo xuquuqdooda biyaha.

Balse, xukuumadda fadhigeedu yahay Addis Ababa ayaa sheegtay inaysan saxiixi doonin heshiiskaas iyadda oo cuskatay wax ay ugu yeertay ilaalinta "danaha qaranka Itoobiya".

Kadib tobanaan sano oo wadahadal ah oo u dhexeeyay saddexda dal, wada xaajoodku wuxuu gaaray ismari waaga xagaaga 2021 kadib markii Itoobiya ay go'aansatay in go'aan hal dhinac ay ay sii waddo buuxinta labaad ee GERD.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM