Maxay tahay sababta uu isku-casilay Hailemariam Desalegn?

Image

ADDIS ABABA - Ra'iisul Wasaarihii dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa maanta oo Khamiis ah [15-ka Febuary] ku dhawaaqay inuu iska-casilay xilkaasi.

Desalegn ayaa sidoo kale isaga tagey Guddoomiyannimadii xisbiga talada haya ee Itoobiya ee EPRDF [Ethiopian People's Revolutionary Democratic Front].

Khudbad uu ka jeediyay TV-ga Qaranka, ayuu ku sheegay Hailemariam Desalegn in iscasilaadiisa uu u arkay inay muhiim u tahay isbedel ka dhaca dalkaasi oo ay la dageen mudo sanado ah rabshado dhiig ku daatay.

"Deganaansha la'aanta iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira Itoobiya waxay horseedeen geerida dad badan iyo barakaca," ayuu yiri Hailemariam.

Waxa uu intaasi ku daray: "Waxaan u arkay iscasilaadayda inay muhiim u tahay isbedellada nabada iyo dimuqraadiyadda Itoobiya iyo in laga baxo jahwareerka hadda taagaan."

Hailemariam oo ah aqoonyahan dhaqaalaha bartay ayaa Ra'iisul Wasaare kasoo ahaa Itoobiya tan iyo 2012-kii, isagoo bedelay Ra'iisul Wasaarihii ka horeeyay Meles Zenawi markii uu geeriyooday.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay rabshado iyo dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo oo saddexdii sano ee lasoo dhaafay ka socday wadankaasi ku yaalla Geeska Africa.

Dibadbaxyada oo markii hore ka billowday gobollada Oromia iyo Amhara ayaa ku fiday guud ahaan dalka Itoobiya 2015, iyadoo dadka ay dalbanayeen in lasoo afjaro musuq-maasuqa lana sameeyo isbedal dhaqaale.

Hailemariam ayaa sheegay inuu xilka si kumeel-gaar ah usii heyn doono ilaa Xisbigiisa iyo Baarlamaanka dalkaasi ka aqbalayaan Iscasilaadiisa, sidoo kalena laga soo dooranayo Ra'iisul Wasaare cusub.

Bishii January, Hailemariam ayaa shaaciyay inuu xabsiyada dalkaasi kasii daynayo 7,000 oo qof, oo ay kamid yihiin hogaamiyaal mucaarad ah iyo kuwa kale oo laga cafiyay dembiyo loo haystay.

Hailemariam oo 53 sano jir ah ayaa ahaa Ra'iisul Wasaarahii 15-aad ee uu yeesho dalka Itoobiya, oo kamid ah dalalka ugu dhaqaalahaa iyo awooda badan Geeska Africa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mali, Burkina Faso iyo Niger oo sameeyay isbahaysi milatari oo la mid ah NATO

Isbahaysigan cusub ayaa lagu sheegay inuu ka jawaabayo caqabadaha amni ee sii kordhaya ee ka dhanka ah dowladaha gobolka.

  • Afrika

    22-12-2025

  • 08:01AM

Kenya oo Walaac ka Muujisay Shabakadaha Dhalinyarada u Diraya Dagaalka Ukraine

Dowladda Kenya ayaa hadda ballanqaadday in ay adkeyn doonto kormeerka hay’adaha shaqooyinka dibadda u dira dadka.

  • Afrika

    21-12-2025

  • 09:27AM