Maxkamad xukmisay in dib loosoo saaro meydka Mugabe

Image
Madaxweynihii hore ee waddanka Zimbabwe ayaa 2019-kii wuxuu geeriyoodey isaga oo 95-sano jir ah.

HARARE, Zimbabwe - Garsoore ayaa xukmiyey in meydka madaxweynihii hore ee waddanka Zimbabwe, Robert Mugabe, dib loosoo saari karo kadib markii dacwad uu gudbiyey hoggaamiye dhaqameed.

Hogaamiye dhaqameedka oo u muuqda mid ku guuleystay dacwadda uu gudbiyey ayaa ku doodey in qaabka kalkii hore loo duugay ay baalmarsan tahay maamuus dhaqameedka.

Mugabe, oo dhintay isagoo 95 jir ah 2019, ayaa lagu aasay barxadda guriga qoyskiisa. Balse bishii Maajo, hoggaamiye dhaqameedka ayaa sheegay in qaabka meydka loo geliyey qabriga ay baalmarsaneyd caado dhaqameedka degaanka.

"Waxaan awood u siinayaa kuwa uu sharcigu u oggol yahay inay ka soo saaraan haraaga marxuum Robert Mugabe Kutama oo ay dib ugu aasaan National Heroes Acre ee Harare," ayaa nuqul ka mid ah xukunka ka soo xigtay wakaladda wararka Reuters.

Qoyska Mugabe ayaa, sida saxaafadu warisay, ka soo horjeestay xukunkaas, laakiin garsoore ayaa meesha ka saaray doodda.

Qoyska waxay u badan tahay inay racfaan u qaataan Maxkamadda Sare, sida uu ku warramay weriyaha BBC ee Shingai Nyoka.

Mugabe ayaa Zimbabwe ka soo hoggaaminayey xornimadii 1980-kii ilaa 2017-kii, xilligaas oo xukunka laga tuuray.

Sidoo kale, ehelkiisa ayaa sheegaya inuu aad u careysanaa kadib markii xukunka laga tuuray oo uusan doonayn in lagu aaso guriga qaranka.

Mugabe ayaa loo tixgeliyaa mid kamid ah hogaamiyeyaashii ugu mayalka adkaa ee soo mara taariikhda Afrika. Inkasta oo sooyaalkiisa uu yahay mid laba bog leh, waxaa lagu dhaleeceeyaa awood-maroorsasho. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM