Maxkamadeynta dambiyada dagaal ee Daarfuur oo bilaabatay

Image
Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka ee Suudaan ayaa arrintan ku tilmaamay mid taariikhi ah.

KHARTUUM, Sudan - Tacaddiyadii ka dhacay Daarfuur 20 sano ka hore ayaa lagu wadaa inay ka furmaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC). Ali Muhammad Ali Abd-Al Rahman oo ah ninka looga shakisan yahay in uu horay u ahaa hoggaamiyihii maleeshiyada dowladda taabacsanayd ee Janjaweed ayaa lagu soo oogay 31 dacwadood oo isugu jira dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Ali Muhammad ayaa beeniyay dhammaan eedeha loo soo jeediyay. Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka ee Suudaan ayaa arrintan ku tilmaamay mid taariikhi ah.

"[Talaado] waa maalin qiimo weyn u leh dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaaday xasuuqii Daarfuur, kuwaas oo aan waligood joojin dadaalka ay ugu jireen si ay u arkaan maalinta wareegtada isla xisaabtan la'aanta ay soo afjarmeyso," qareenka xuquuqda aadanaha Suudaan Mosaad Mohamed Ali ayaa sidaas yiri.
 
"Waxaan rajeyneynaa in maxkamadeynta Abd-al-Rahman ay iftiimin doonto masuuliyadda dambiyada foosha xun, gaar ahaan dambiyada kufsiga ay galeen isaga iyo maleeshiyada Janjaweed ee dowladda ka amar qaata," ayuu raaciyay.
 
Mr Abd-al-Rahman, oo sidoo kale loo yaqaano Ali Kushayb, ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay ay maxkamada ICC ku xukunto dagaal ay ku dhinteen ilaa 300,000 qof halka 2 milyan kalena ay noqdeen hoy la’aan.

Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al-Bashiir ayaa ilaa hadda loosoo xirin colaadda ka dhacday gobolka Daarfuur, Waxaa loo haystaa dambiyo la xiriira xasuuq iyo dagaal, taasoo uu diiday eedeymaha loo soo jeediyay.
Al-Bashiir ayaa hadda ku xiran dalka Suudaan ka dib markii xilka looga tuuray afgambi dhacay sannadkii 2019.

Mr Abd-al-Rahman ayaa isku dhiibay ICC 2020 ka dib 13 sano oo uu baxsad ahaa. Waxaa lagu eedeeyay inuu ka qeyb qaatay weerarro lagu dilay dad rayid ah oo ka dhacay afar magaalo oo ka tirsan Daarfuur intii u dhaxeysay Ogoosto 2003 ilaa Maarso 2004.

ICC ayaa ku eedaysay isaga iyo maleeshiyadiisa in ay sameeyeen kufsi, jir dil, dil iyo dhac intaba. "Waxaa lagu eedeeyay in uu fuliyay istaraatiijiyadda ka hortagga fallaagada ee dowladda Suudaan oo sidoo kale sababtay in Daarfuur laga fuliyo dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha," ayay tiri ICC.

“Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu qoray dagaalyahano, hubeeyay, maalgeliyay oo raashiin iyo agab kale siiyay maleeshiyada Janjaweed ee isaga ka amar qaatay,” ayay raacisay maxkamadda.
 
Markii ugu horeysay ee uu ka soo muuqday maxkamadda, Mr Abd-Al-Rahman ayaa sheegay in uu dhibane aqoon darro sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Maxkamadeyntan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan rabshadaha ka socda gobolka Daarfuur tan iyo markii ay soo afjarmeen hawlgalkii nabad ilaalinta ee sida wadajirka u filinayeen ciidamada Qaramada Midoobay iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika kaas oo dhammaaday in ka badan sanad ka hor.

Colaadda ayaa markii ugu horreysay ka dillaacday gobolka Daarfuur sannadkii 2003-dii markaasoo inta badan dadka aan carabta ahayn ay dowladda kasoo horjeesteen, iyagoo ka cabanaya takoor iyo horumar la’aan.
 
Dawladda ayaa uga aargudatay in ay abaabusho maleeshiyaad carab u badan, oo loo yaqaan Janjaweed, si ay ula dagaalamaan fallaagada, iyada oo gaysatay xasuuq ka careysiiyay caalamka intiisa kale. Boqolaal tuulo ayaa la gubay oo la bililiqaystay xilli ay wadeen hawlgal ay ugu magacdareen isir sifaynta dadka rayidka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM

Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur…

  • Afrika

    22-04-2025

  • 07:56PM