Mid kamid ah ragga loogu raadinta badnaa Libya oo la dilay

Image
Image
Mohammed al-Kani iyo qoyskiisa ayaa laf-dhuun gashay ku ahaa dadka magaalo koonfur-bari ka xigta caasimada Tripoli. [Photo: Baraha Bulshada]

TRIPOLI, Libya - Warbaahinta dalka Libya ayaa Talaadadii shalay ahyad waxay baahisay in Mohammed al-Kani, oo ka mid ahaa hogaanka mid kamid ah xoogaga ugu sumcadda xumaa ee dagaalka ka jiray lagu dilay magaalada Tarhuna.

Mr al-Kani ayaa lagu eedeeyay dilka rag, dumar iyo caruur. Dhamaan falalkaas waxaa lagu waramay in ay ka dhaceen magaaladan yar ee koonfur-bari kaga beegan caasimada Tripoli.

Isaga iyo qoyskiisa ayaa argagax ku hayey magaalada sanado badan - laakiin waxaa ka adkaaday xoogaggii la safnaa dowladda ay taageerto Qaramada Midoobay bishii Juun 2020.

Wuxuu galay dhulka hoostiisa waxaana la sheegay inuu ku dhintay rasaas ay is weydaarsadeen ciidamada amaanka oo u tagay inay kasoo qabtaan goob uu ku dhuumaaleysanayay.

Muuqaalo si aad ah loogu wadaagay baraha bulshada si gaar ah Facebook ayaa muujinaya dad aad u faraxsan oo ku sugan wadooyinka Tarhuna oo u dabaal dagaya geeridiisa.

Bishii Nofeembar, Mareykanku wuxuu kaligiis cunaqabateyn saaray Mohammed al-Kani ka dib markii Ruushku ka hor istaagay guddiga Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay inay cunaqabateyn saaraan.

Kaniyatku waxay si buuxda gacanta ugu hayeen Tarhuna, oo 60 KM u jirta Tripoli, laga soo bilaabo 2015 ilaa May 2020, markii weerar ka dhacay caasimadda oo ay ka qeybqaadaneysay uu burburay maleeshiyadana ay u carareen bariga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM