Mushaharka askarta Kenya ka joogta Soomaaliya oo la dhimay
NAIROBI, Kenya - Midowga Yurub [EU] iyo saaxiibada caalamka ayaa kala bar dhimay miisaaniyada ciidamada la dagaalamaya maleeshiyada Al-Shabaab ee Soomaaliya kadib markii si qarsoodi ah uga baxeen askarta Kenya.
Wasaaradda Maaliyadda Kenya ayaa u sheegtay baarlamaanka Isniintii in Kenya ay ka heshay Sh4.5 bilyan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) muddadii 12-ka bilood illaa iyo Juunyo 2019 marka loo eego in qorshuhu ahaa bixinta Sh8.5 billion.
Isbedelkan waxay la xiriirtay qeyb ka bixitaanka ciidamada Kenya ee loo soo diray Soomaaliya 2007 si ay uga difaacaan dowladda ay taageerto beesha caalamka weerarada Shabaab.
Baarlamanka ayaa baarey sababta Kenya ay lacag yar ugu heshay ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya marka loo eego miisaaniyada lana barbardhigo dhigeeda wadamadda kale.
"Lacagta la helay waxay ku saleysneyd tirada ciidamada dhabta ah ee aan geynay Soomaaliya. Bishii Luulyo, 2018, tirada ciidamada ayaa markii dambe la dhimay," ayuu Julius Muia, xoghayaha maaliyadda (PS) ku yiri isaga oo aan shaacin tirada dhabta ah.
28-da dal ee EU, oo ah kan ugu weyn ee dhaqaalaha ku bixiya AMISOM iyada oo loo marayo Xarunta Nabadda ee Afrika, ayaa taageereysay barnaamijyada iyo howlaha Midowga Afrika.
Midowga Yurub wuxuu maalgeliyaa gunnooyinka ciidamada Amisom iyo booliska, mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, kharashaadka ku baxa howlaha xafiisyadooda, iyo kuwo kale.
Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), dhanka kale, wuxuu taageero dhanka saadka ah siiyaa ciidamada Amisom iyo Ciidamada Amniga Qaranka Soomaaliyeed inta ay socdaan howlgalada wadajirka ah.
Beesha caalamku waxay bixisaa $ 1,028 (Sh111, 229) askari kasta bishii, dowladaha ay ka tirsan yihiin waxay markaa ka jaraan $200 (Sh21,640) kharashaadka maamulka, taas oo ka dhigan in guriyahooda kula noqonayaan $800 (Sh86,560).
Askartu waxay lacagaha ka helaan dowladda. Midowga Afrika wuxuu aad u daneynayey in dhammaan ciidamada la saaro bisha Diseembar 2020, laakiin Kenya waxay dooneysaa dib u dhac ku yimaada bixitaankeeda.
Al Shabaab ayaa weeraro joogto ah ka geysta Kenya, inta badan gobolka dhaca xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay cadaadis ugu saarto dowladda Kenya inay kala soo baxdo ciidamadeeda nabad ilaalinta Soomaaliya.
Dr Muia oo uu weheliyo xoghayaha joogtadda ah ee wasaaradda Difaaca Ibrahim Mohamed, ayaa u sheegay Gudiga Xisaabaadka Dowlada (PAC) in lacag celinta ay siiso Kenya ay salka ku heyso dib-u-soo-celinta cutubyadeedda.
GAROWE ONLINE