Midowga Yurub oo xayiraad saaray dadka heysta baasaboorka Itoobiya

Image
Itoobiya waxaa ay ku guuldareysatay inan iska kaashano dib u celinta muwaadiniinteeda si hufan.

NAIROBI, Kenya - Golaha Midowga Yurub ayaa xayiraad saaray dadka heysta baasaboorka itoobiyaanka ah , waxaana uu jawaab u yahay wada shaqeyn la'aanta itoobiya iyo Midowga yurub ee ku saabsan arimaha dib-u-celinta Magangalyo doonka Itoobiya ee ku sugan Yurub, sida uu sheegay xafiiska fiisa bixinta Schengen oo 27-ka dal ee Yurub ay ku mideysanyihin.

Golaha midowga yurub waxa uu ka mamnuucay dalalka xubnaha ka ah midowga in ay bixiyaan fiisaha dal ku-galka ee baasaboorka itoobiya.

Go’aankan ayaa daba socday qiimayn uu goluhu  sameeyay, kaas oo lagu soo gabagabeeyay in wada shaqaynta Itoobiya ee dhinaca dib u soo celinta muwaadiniinteeda sida sharci darrada ah ku  jooga Midowga Yurub aanay ku filnayn, sida lagu sheegay hadalka kasoo baxay   golaha ay ku mideysanyihiin dalalka Midowga Yurub.

Itoobiya waxaa ay ku guuldareysatay inan iska kaashano dib u celinta muwaadiniinteeda si hufan, ayuu raaciyay go’aanka kasoo baxay Midowga Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM