Midowga Yurub oo xayiraad saaray dadka heysta baasaboorka Itoobiya

Image
Itoobiya waxaa ay ku guuldareysatay inan iska kaashano dib u celinta muwaadiniinteeda si hufan.

NAIROBI, Kenya - Golaha Midowga Yurub ayaa xayiraad saaray dadka heysta baasaboorka itoobiyaanka ah , waxaana uu jawaab u yahay wada shaqeyn la'aanta itoobiya iyo Midowga yurub ee ku saabsan arimaha dib-u-celinta Magangalyo doonka Itoobiya ee ku sugan Yurub, sida uu sheegay xafiiska fiisa bixinta Schengen oo 27-ka dal ee Yurub ay ku mideysanyihin.

Golaha midowga yurub waxa uu ka mamnuucay dalalka xubnaha ka ah midowga in ay bixiyaan fiisaha dal ku-galka ee baasaboorka itoobiya.

Go’aankan ayaa daba socday qiimayn uu goluhu  sameeyay, kaas oo lagu soo gabagabeeyay in wada shaqaynta Itoobiya ee dhinaca dib u soo celinta muwaadiniinteeda sida sharci darrada ah ku  jooga Midowga Yurub aanay ku filnayn, sida lagu sheegay hadalka kasoo baxay   golaha ay ku mideysanyihiin dalalka Midowga Yurub.

Itoobiya waxaa ay ku guuldareysatay inan iska kaashano dib u celinta muwaadiniinteeda si hufan, ayuu raaciyay go’aanka kasoo baxay Midowga Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM