Milatariga Suudaan oo mas'uuliyiin ay xabsi dhigeen

Image
Talaabadan ayaa imaanaysa xilli UN-ka qaban-qaabinayo wadahadalo looga baxayo qalalaasaha siyaasadeed.

KHARTUUM, Suudaan - Jeneraalka Ciidamada Sudan, Abdel Fattah Al-Burhan, ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo afar wasiir oo rayid ah oo xirnaa tan iyo markii uu dhacay afgambi militari todobaadkii hore, sida ay sheegtay saxaafadda.

TV-ga Suudaan ayaa sheegay in afarta wasiir lagu kala magacaabo Hashem Hassab Alrasoul, wasiirka isgaarsiinta; Cali Geddo, wasiirka ganacsiga; Xamza Baloul, wasiirka warfaafinta; iyo Yuusuf Aadan, wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha. Dhowr kale ayaa weli xiran.

Shaacintan ayaa ku soo beegantay iyadoo Qaramada Midoobay ay isku dubariday dadaallo lagu raadinayo waddo looga baxo qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Suudaan kadib inqlaabka 25-kii October lagu xiray siyaasiyiin rayid ah oo sarsare isla markaana horseeday in xabsi la dhigo ra’iisul Wasaare Abdalla Hamdok.

Dibad-baxayaasha dimoqraadiyad doonka ah ayaa dhigay mudaaharaadyo waaweyn oo ay ku cambaareynayaan afgambiga, kaas oo meesha ka saaray kala-guurka dabacsanaa ee dalka ee ku aaddan xukunka rayidka.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan ayaa sheegay in wadahadaladu ay ka soo baxeen qodobbada heshiiska suurtagalka ah ee dib loogu soo celinayo awood qaybsiga.

Qodobadda waxaa kamid ah dib u soo celinta Hamdok, laakiin waxa uu intaa ku daray in ay tahay in lagu heshiiyo "maalmo aan toddobaadyo ahayn" ka hor inta aysan labada dhinac 'mawqifku adkayn".

Todobaadki hore, Al-Burhaan waxa uu sheegay in uu doonayo in uu soo dhiso xukuumad cusub oo tignoolajiyadeed, iyo in Xamdok uu soo laaban karo si uu u hogaamiyo.

Arbacadii, xafiiska Hamdok ayaa beeniyay warbixin uu ogolaaday inuu hoggaamiyo dowlad cusub, wuxuuna ku adkaystay inuu doonayo in maxaabiista la sii daayo, lana soo celiyo hay'adaha maamulka ka hor inta uusan gelin wax wadahadal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM