Morocco iyo Israa’iil oo kala saxiixdey heshiisyo dhow ah
RABAT, Morocco - Wasiirrada arrimaha dibedda ee Israa’iil iyo Marooko ayaa qaadaya tallaabo cusub oo ku aaddan xoojinta xiriirka labada dal, iyagoo saxiixay saddex heshiis wax ka yar hal sano kadib markii ay ku heshiiyeen in caadi laga dhigo cilaaqaadkooda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Yair Lapid oo dalkaas booqdey iyo Nasser Bourita, dhiggiisa Morocco, ayaa Arbacadii saxiixay heshiiska adeegga hawada ee u dhexeeya boqortooyada Waqooyiga Afrika iyo dawladda Israa’iil iyo heshiiska iskaashiga dhinacyada dhaqanka, isboortiga iyo dhallinyarada.
Waxay sidoo kale saxiixeen heshiis is -afgarad ah oo ku saabsan sameynta hannaan wadatashi siyaasadeed oo u dhexeeya wasaaradaha arrimaha dibadda ee dalalkooda.
Si dhakhso ah looma caddeyn waxa ku koobnaan doona qoraalkan laakiin waxay u muuqatay in ay khuseeyaan qaabeynta ballaaran ee diblomaasiyadda fool-ka-foolka ah intii uu Lapid booqashada laba maalmood ah ku joogay Morocco.
Safarkan ayaa lagu waddaa in lagu soo koobi doonaa Khamiista maanta ah marka la daahfurayo howlgalka cusub ee xiriirka Israel ee Rabat, caasimadda Marooko.
Israa’iil iyo Marooko ayaa bishii December ku heshiiyay inay dib u bilaabaan xiriirkii diblomaasiyadeed iyo inay dib u bilaabaan duulimaadyadii tooska ahaa taasoo qeyb ka ahayd heshiiskii uu dhexdhexaadiyay madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump.
Maamulka Biden ayaa sheegay inay dib u eegi doonaan go’aankii maamulkii hore ku aqoonsaday sheegashada Marooko ee ku saabsaneyd Saxaraha Galbeed ee mudada dheer lagu muransanaa. Qabsashada gobolka ee 1975 ma aqoonsana Qaramada Midoobay.
Booqashadan Lapid ayaa waxay kusoo hagaagtey iyadda oo Israa’iil ay soo bandhigeyso caddeyn kale oo muujineysa heshiisyada hore ay socdaan. Mas’uul sare oo Baxrayn ah ayaa toddobaadkan booqanaya Israa’iil, halkaas oo uu kula kulmayo Jeneraal Israa’iil iyo saraakiil kale.
GAROWE ONLINE