Musharax madaxwayne oo loo xiray in uu iska-dhigay qof kale

Image
Inkasta oo uu ku guuldareystay tartankii madaxtinimada, Peter Obi ayaa wali ah mid shacbiyad leh.

LONDON, Britain - Siyaasiga reer Nigeria, Peter Obi, ayaa Jimcihii 7-dii April, waxaa garoonka diyaaradaha ee London ku xiray saraakiisha hay'adda socdaalka boqortooyadda Ingiriiska, sidda uu xisbigiisa sheegay.

Obi, oo ku tartamay doorashadii madaxtinimo ee dhacday 25-kii Febraayo sanadkan 2023-ka, ayaa su'aalo saacado aan la cayimin qaatay waxaa laga weydiiyay "in uu ogolaanshiyo la'aan adeegsadey aqoonsiga qof kale".

Murashaxan madaxwayne oo tartanka doorashadda looga adkaadey ayaa waxa uu ku ololeeyay xisbiga shaqaalaha ah waxa uu loolanka ka galay kaalinta saddexaad, sidda uu shaaciyey guddiga coddeynta.

Diran Onifade, afhayeenka Golaha Ololaha Xisbiga Shaqaalaha, ayaa bayaan uu soo saaray Arbacadii shalaya hayd, ku sheegay in Obi uu London u aaday si uu ugu dabaaldego ciidda masiixiyiinta ee Easter.

"Sameynta sare ee dembigu waa in qofka iska dhigaya uu samayn karo dhammaan noocyada dambiyada culus iyo falalka kale ee shakiga leh waxaana lagu qori doonaa magaca Obi," ayuu nuqul kamid ah qoraalka ku yiri.

Dowladda Ingiriiska ayaa illaa haatan waxa aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan su'aallo waydiinta Peter Obi. Isku-dayo ay saxaafadda maxaliga ah ee dalkaas la sameysay laanta socdaalka ayaan guuleysan.

Peter Obi ayaa kamid ahaa musharaxiinta ugu shacbiyada badnaa tartankii ololaha doorashadda madaxtinimadda Nigeria. Ololihiisa waxa uu diiradda saarayay wax ka qabashadda shaqo la'aanta haysata dhalinyaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM