Musiibo ka dhalatay Roobab ka da’ay Koonfur Afrika

Image
Isbitaalo tiro badan iyo in ka badan 500 oo dugsi oo ku yaalla gobolka ayaa sidoo kale roobku burburiyay.

CAPTE TOWN, South Africa – Ugu yaraan 443 qof ayaa ku dhintay daadad burburiyay gobolka KwaZulu-Natal ee Koonfur Afrika, sida laga soo xigtay sarkaal, iyadoo samatabbixiyeyaashu ay baadi goobayeen daraasiin dad ah oo weli lagu la'yahay gobolka xeebta koonfur-bari.

Sihle Zikalala, oo ah ra'iisul wasaaraha gobolka, ayaa sheegay Axadii in dadka dhintay ay ku jiraan laba ka mid ah shaqaalaha gargaarka degdegga ah wuxuuna intaa ku daray in 63 qof oo kale aan la ogeyn.

Daadkan ayaa ah kuwii ugu xoogganaa ee ku dhuftey KwaZulu-Natal inta la xasuusto, waxa uuna ka dhashay roobab mahiigaan ah oo gobolka ka da'ay todobaadkii hore.

Roobabkan ayaa ku soo rogmaday magaalada Durban iyo nawaaxigeeda, iyagoo qaaday dhismayaal iyo dadweyne. Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhacay magaalada Durban, waxaana qeybo kamid ah magaalada ay maalmo ka hor biyo la’aan aheyd. Isbitaalo tiro badan iyo in ka badan 500 oo dugsi oo ku yaalla gobolka ayaa sidoo kale roobku burburiyay.

"Dhimashada, burburka guryaha, burburka kaabayaasha dhaqaalaha… ka dhig masiibadan dabiiciga ah tii ugu darneyd ee abid soo marta taariikhda gobolkayaga," ayuu yiri Zikalala.

Qaar ka mid ah meelaha ugu daran ee ay dhibaatadu ka dhacday, ayaa dadka qaar waxay la kulmeen sugitaan aad u badan oo ay ka sugayaan warka eheladooda la waayay.

“Ma aanan lumin rajadeena. In kasta oo aan si joogto ah u walaacsanahay iyada oo (maamuhu) sii socdaan,” ayuu yiri Sbongile Mjoka, oo deggan tuulada Sunshine ee degmada eThekwini oo wiil uu adeer u yahay oo siddeed jir ah la la'yahay maalmo.

Meel miyi ah oo u dhow magaaladda, saddex qof oo ka tirsan qoyska Sibiya ayaa ku dhintay ka dib markii gurigoodii uu ku soo dumay waxaana weli la la'yahay Bongeka Sibiya oo afar jir ah.

"Wax walba waa xasuus adag oo ku saabsan wixii aan lakulanay, iyo inaanan heli karin (Bongeka) waa wax aad u xun sababtoo ah ma murugoon karno ama ma bogsan karno. Marxaladdan waxa nalaga tagay dareen maran,”Lethiwe Sibiya, 33, ayaa u sheegay Reuters.

Wasiir ku xigeenka horumarinta bulshada Hendrietta Bogopane-Zulu ayaa sheegtay in ilaa 340 shaqaale bulsho ah la geeyay si ay taageero ugu fidiyaan kuwa dhaawaca ah, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay weli maqan yihiin carruur iyo qaraabo kale. Xoogga fatahaadda ayaa ka yaabisay Koonfur Afrika.

Iyadoo gobolka koonfur-bari ay hore u soo gaareen xoogaa daadad ah, haddana burburku ma ahayn mid aad u daran. Dadka reer Koonfur Afrika ayaa horay u daawanayay musiibooyinkan oo kale oo ku dhuftay dalalka dariska ah sida Mozambique oo u nugul duufaanta.

Wadanku wuxuu weli la halgamayaa sidii uu uga soo kabsan lahaa masiibada COVID-19 iyo rabshadihii dilaaga ahaa ee sannadkii hore oo ay ku dhinteen in ka badan 350 qof, oo u badan gobolka hadda daadadku ku dhufteen ee koonfur-bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM

Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur…

  • Afrika

    22-04-2025

  • 07:56PM