Muslimiin lagu laayey Itoobiya xili ay cibaadeysanayeen
ADDIS ABABA, Ethiopia - Ugu yaraan 20 qof oo muslimiin ah ayaa lagu dilay gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya iska horimaad dhexmaray rag hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan, sida uu sheegay hoggaamiyaha Islaamiga ah ee gobolkaasi.
Rabshadaha ayaan la xidhiidhin colaad ka dhacday gobolka Tigray ee dariska la ah, kaas oo qarxay Noofambar 2020 kuna faafay gobollada Axmaarada iyo Canfarta sannadkii hore.
"Dhacdadu waxay dhacday shalay markii Muslimiintu ay u socdeen inay aasaan shakhsi," Seid Muhammed, oo ah madaxa Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Amxaarada, ayaa u sheegay Reuters Arbacadii.
Seid waxa uu sheegay in ragga hubaysan ay walxaha qarxa ku tureen dadkii Muslimiinta ahaa ee ku sugnaa magaalada Gonder, halkaas oo ay ku dileen saddex qof, shan kalena ay ku dhaawacmeen.
“Waxaa dhacay bililiqo loo geystay dukaamo, waxaana la isku dayay in la gubo saddex masaajid, hal masjid waxaa dalb la qabadsiiyay gogosha kasoo gaaray bur-bur yar" ayuu sii raaciyay.
Gizachew Muluneh oo ah afhayeenka maamulka gobolka Axmaarada ayaa sheegay in shilkan uu baaris ku socdo uuna dib ka sheegi doono wixii kusoo kordha.
Ilo dhanka bini’aadinimada ah ayaa sheegay in 15 qof oo dhaawac ah loo qaaday cisbitaalka Gonder, mana cadda tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay walxaha qarxa.
Sannadkii 2019-kii, mas’uuliyiintu waxay xireen shan qof oo looga shakisan yahay inay gubeen afar masaajid oo ku yaalla magaalada Motta ee isla gobolka.
Dagaaladii ka socday guud ahaan dalka Itoobiya ayaa hoos u dhacay tan iyo markii dowladda federaalka ay ku dhawaaqday xabbad joojin hal dhinac ah bishii hore, iyadoo sheegtay inay ogolaanayso in gargaarka bini'aadantinimo uu galo gobalka Tigrayga.
Markii uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed la wareegay talada 2018, waxa uu soo bandhigay isbedello siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo uu ku muteystay ammaan caalami ah, isagoo ugu dambeyntii ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize ee heshiisyada nabadeed ee uu la galay cadowgii muddada dheeraa ee Eritrea.
Si kastaba ha ahaatee, dadka u dhuun daloola arrimaha gobolka ayaa sheegaya in isbedellada Abiy ay awoodda dhexe ka dhigeen mid wax u dhimaya hab-dhaqanka federaalka Itoobiya, qaarkoodna ay damceen in ay awooddooda sheegtaan, taas oo keentay khilaaf.
GAROWE ONLINE